Norway: Maalqabeen xabsiga loo dhigay dilka xaaskiisa oo mudo la weysanaa.

0
263
Tom Hagen iyo xaaskiisa. Sawirka: Skjermdump/Expressen.se

Booliska magaalada Oslo ayaa maanta xabsiga dhigay Tom Hagen(Sawirka kore) oo ah ganacsade iyo maalqabeen aad looga yaqaano Norway. Waxaana lagu eedeynayaa inuu ka danbeeyay ama wax ka qorsheeyay dilka xaaskiisa,  Anne-Elisabeth Hagen oo nolol iyo geeriba la weysanaa ilaa 31. oktober 2018.

Booliska ayaa markii hore kiiska u baarayay sidii qof la waayay oo kale, balse bartamaha sanadkii hore ee 2019 ayay baaritaankooda u badaleen mid dil ah, maadaama ay heleen waxyaabo cadeynaya in Anne-Elisabeth aysan nooleen.

Booliska ayaa si qarsoodi ah baaritaan ugu hayay Tom Hagen, iyaga oo uga shakisnaa inuu ka danbeeyay dilka xaaskiisa. Waxeyna dhageysan jireen oo aaladaha wax lagu dhageysto ay ku xirteen gurigiisa. Iyaga oo maanta xabsiga dhigay ugu danbeyn, isaga oo ku eedeysan dilka xaaskiisa.

Tom Hagen oo 72 sano jir ayaa waxaa hantidiisa lagu qiyaasaa 1,8 bilyan kr oo Norwiiji ah. Wargeyska VG ayaa sidoo kale qoray in haweeneyda la dilay ay marar badan asxaabteeda u sheegtay inay ku nooshahay nolol guur oo ciriir ah, ayna rabto inay furitaanka ka dalbato ninkeeda.

Tom hagen ayaa booliska wax badan kala shaqeynayay xal u helista kiiska xaaskiisa oo la weysanaa, wuxuuna mar walba booliska siinayay warbixino la xiriira maqnaanshaha xaaskiisa oo hada uu dilkeeda ku eedeysanyahay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in shakiga ay ka qabaan in ninkan uu ka danbeeyay dilka xaaskiisa uu soo xoogeysanayay maalinba maalinta ka danbeyso, ayna rumeysanyihiin inuu mudo dheer qorsheynayay dilitaanka xaaskiisa, uuna isku wax badan ka shaqeeyay sidii uu booliska wado qaldan ugu ridi lahaa.

Waxeyna booliska maanta baaritaano ku sameeyeen dhowr guri oo uu ninkan leeyahay, iyaga oo aaminsan inay jiiri karaan dhowr qof oo kale oo la qeybqaatay falka dilka ah.

Xigasho/kilde: Politiet: Tom Hagen siktet for drap eller medvirkning til drap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments