Caruur hooyadood laga qaatay oo Qoys Soomaali ah lagu wareejiyey

0
130
Foto: Hiiraanonline

Lix caruur soomaaliyeed oo agoon ah ayaa bishii February magaalada Grand Forks ee gobolka Minnesota looga qaatay hooyadood. Waxaana arintaas aad uga kacay, shaqo badana ka qabtay jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada ilmaha lagu qaatay iyo guud ahaan kuwo gobolka Minnesota.

5 kamid ah lixdii caruur aheyd ee la qaatay ayaa ugu dangeyn lagu guuleystay in korintooda lagu wareejiyo aabe soomaali ah oo lagu magacaabo Ahmed Adan Cirday oo adeer u ah hooyo Nimco Khalif oo ah hooyada dhashay ilmaha , waxaase gacanta dowlada wali kusii jira hal cunug.

Waxaa dhanka kale wali socda dacwadda ka dhanka ah Nimco Khalif oo hooyada dhashay caruurta ee laga qaatay. Inta ay socoto dacwadaan ayaa haddaba waxay soomaalida deegaankaas oo aad isku abaabushay ay guuleysteen inay dowlada ka dhaadhiciyaan in ilmahaas lagu sii wareejiyay Axmed Cirday oo kamid ah qaraabada dhow ee qoyska, kana mid ahaa dadkii aad ugu dadaalay kiiska hooyada ilmaha laga qaatay.

Axmed Adan Cirday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay galeen kadib, ay tani u tahay guul , waxayna filaynaa inaan ku sii dadaalno in ay qoyskaan iskula midoobaan sidii caadiga ahayd oo ay u ugu wada noolaan jireen.
Waxaan ku dadaalaynaa inaan nidaamka dalkaan anagoo ilaalinayna inaan wadada saxda ah ee sharciga ah raacnaa ,waxuu u mahadnaqay qareenka qoyska iyo dadkii Soomaaliyeed ee xanuunka la qaybsatay mudadii ay ku jireen xaalada Caruurtaan.

Foto: Hiiraanonine

Xigasho/kilde: Hiiraan-online

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments