UDI: 600 soomaali ah ayaa kiiskooda xirnay.

0
379
Wasiiradda cadaalada Norway: Monica. Foto: regjeringen.no

Dowlada Norway, gaar ahaan wasaarada cadaalada ayaa labo isbuuc kahor hey´adda qoxootiga ee UDI-da uga soo jawaabtay warqad ku saabsaneyd qaabka looga shaqeynayo kiisaska boqolaal qoxooti soomaali ah oo mudo ay kiisaskooda gacanta ugu jireen hey´adaas. Halkan ka akhri

UNE oo ah hey´dda ka sareyso UDI-da, ayaa UDI-da ku amartay inay joojiso ka shaqeynta kiisaskaas, maadaama inta badan dadka lagu wargaliyay dib u qiimeynta ay yihiin dad mudo sanado ah Norway degenaa, intooda badan ay buuxiyeen shuruudaha degenaanshaha, kahor inta uusan soo bixin go´aanka dowlada.

Dowlada ayaa UDI-da u ogolaatay in dadka codsaday´, isla markaana buuxiyay shuruudaha degenaanshaha, wixii ka horeeyay 27-kii Maarso 2017, aan kiiskooda dib u qiimeyn lagu sameyn doonin.

UDI: 600 soomaali ah ayaan kiiskooda xirnay.

Kadib markii ay su´aalo badan nasoo weydiiyeen dadka ku taxan warbaahinta NorSom News, waxaan e-mail u dirnay laanta qoxootiga ee UDI-da. Waxaana ka codsanay inay faah-faahin naga siiyaan tirada dadka soomaalida ah ee kiiskan uu saameynayo.

Christine Roca oo katirsan qeybta UDI-da ee qoxootiga, ayaa e-mail aan u dirnay noogu soo jawaabtay:

«Markii uu soo baxay go´aanka dowlada sanadkii 2016, waxey dib u qiimeynta khuseysay qiyaastii 1400 qof oo qoxooti soomaali ah. Laakiin marka ay hada soo baxday wareegtada cusub ee wasaarada cadaalada, waxaa gacanteena kusoo haray kiisaska 700 qof oo kamid ah 1400-tii qof ee sanadkii 2016 nalagu wargaliyay inaan kiiskooda dib u qiimeyn ku sameyno».

Waxaan qabaa in qiyaastii 600 qof oo kamid ah 700 qof ee kiisaskooda ay wali nagu hareen, ay buuxinayaan wareegtada kasoo baxday dowlada 20-kii bishii Maarso ee sanadkan. Aana xiri doono kiisaskooda, iyaga oo jawaab naga heli doono afar isbuuc oo ka bilowdo 1-ka bisha April. Iyaga oo lagu wargalin doono in kiiskoodii dib u qiimeynta la xiray, kadib waxaa laga shaqeyn doonaa codsigooda degenaanshaha.

Christina oo e-mailkeeda aad hoos ka arki kartid, ayaa noo sheegtay in kiiskan ay ahaayeen kuwo ku cusub hey´adda. Horeyna aysan usoo marin kiisas noocan oo kale, sidaas darteed ay qaateen waqti aad u badan, maadaama ay ahaayeen kiisas ka dhaxeeyay hey´addo dhowr ah iyo wasaaradda cadaalada oo dhamaan hey´adaahas ay hoos tagaan.

Halkan ka akhri jawaabta waraaqda e-mailka ah:

Da instruksen kom i 2016 var det omtrent 1400 personer fra Somalia som ble omfattet. Da den nye instruksen kom i mars 2020 hadde UDI igjen ca 700 saker til behandling. Av disse 700 sakene tror vi at omkring 600 saker vil bli henlagt etter den nye instruksen (GI-05-2020).

Da instruksen kom i 2016 ble det innført en helt ny praksis i Norge, og UDI hadde ingen erfaring med å behandle saker slik. Det var derfor nødvendig med et stort utredningsarbeid, der vi også innhentet informasjon om praksis i andre land og kontrollerte den nye praksisen opp mot internasjonalt regelverk. Vi var også avhengig av å avvente UNEs praksis for å forsikre oss om at ikke mange vedtak ville bli omgjort etter klage. osv. UDI har også hatt behov for avklaringer med Justis- og beredskapsdepartementet underveis, noe som nå blant annet har ført til to nye instrukser (GI 05-2020 og GI 06-2020).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments