Sarsborg: 2 dumar ah oo loo xukumay kufsiga wiil 12 sano jir ah.

0
96
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Sarsborg ayaa maanta haweenay 19 sano jir ah iyo gabar 17 sano jir ah, u xukuntay fal kufsi ah oo loo geystay wiil 12 sano jir ah.

Haweeneyda 19 sano jirka oo kufsiga ka sakow lagu eedeeyay inay muuqaal ka duubtay falka ay kula kaceen wiilka 12-jirka ah, ayay maxkamadu ku xukuntay 120 maalmood oo xabsi ah. Waxaana u raaca sadex sano oo tijaabo ah, oo aysan danbi ciqaab lagu muteysan karo gali karin.

Dhanka kale gabadha 17-sano jirka ah ayay maxkamadu ku xukuntay xabsiga dhalinyarada, maadaam ay da´deedu ka yareyd 18 sano xiliga uu falka dhacayay.

Xeer ilaalinta ayaa labadan qof ee dumar ah ku eedeeyay inay xadgudub galmo ah kula kaceen wiilka 12-jirka ah, kadib cadaadis iyo u xoog-sheegasho ay ku sameeyeen wiilka.

Gabar kale oo 15 sano jir oo xiliga uu falkan dhacay guriga ku sugneyd, ayaa macalinkeeda iskuulka ku wargalisay falka lagula kacay wiilka. Iskuulka ayaana booliska ku wargaliyay, kadibna kiis dacwo ah kusoo oogay labada gabdhood ee falkaas lagu eedeeyay.

Labada qof ee dumar ah ee la xukumay, ayaa sidoo kale lagu xukumay inay bixiyaan, wiilkana siiyaan lacag magdhow ah oo gaareyso 75.000 kr.

Xigasho/kilde: To unge kvinner dømt for grov voldtekt av 12 år gammel gutt

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments