torsdag, april 18, 2024

Trondheim: Nin ajnabi ah oo dilka xaaskiisa oo 4 caruur ah dhashay ku eedeysan.

Meydka haweenay 30-meeyo jir ah ayaa shaley laga helay meel banaanka ah oo u dhow deegaanka Trolla ee duleedka magaalada Trondheim. Ninka haweenayda meykeeda la helay, ayay boolisku xabsiga dhigeen, isaga oo ku eedeysan inuu falka dilka ah ka danbeeyay.

Danbi baarayaasha Booliska ayaa aaminsan in meydka haweeneydan geeriyootay, uusan mudo badan yaalin meesha laga helay, waxaana booliska arintan ku wargaliyay qof wadada marayay oo u socday kaluumeysi(Fisketur).

Haweeneyda geeriyootay ayaa da´ahaan lagu qiyaasay 30-meeyo jir, waxeyna aheyd hooyada afar caruur ah oo 18-sano ka yar. Warbaahinta ayaa lokalka ah ee Trondheim ayaa qoreyso in haweeneydaas ay Norway qoxootinimo kusoo gashay sanadkii 2011.

Afarta caruurta ah oo ay dhashay haweeneyda geeriyootay ayaa waxaa xanaanadooda la wareegay hey´adda barnevernka ee xanaanada caruurta.

Danbibaarayaasha booliska ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo muujinayo in haweeneyda geeriyootay ay la kulantay jirdil korka. Ninka haweeneyda qabay oo xabsiga la dhigay, ayaa wareysi kadib diiday wax danbi ah oo la xiriira geerida xaaskiisa.

Warbaahinta ayaa sidoo kale qoreyso in ninka ay boolisku xabsiga dhigeen uu isna yahay ajnabi ama soo galooti.

Xigasho/kilde: Mann pågrepet etter funn av død kvinne i Trolla

Politiet etterforsker mistenkelig dødsfall i Trondheim

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x