Poland oo qabsatay kartoomo daawada gacmaha lagu dhaqdo ah oo Norway usoo socday.

0
87

Dowlada dalka Poland ayaa qabsatay kartoomo xamuul ah oo ay kujiraan daawooyinka gacanta lagu dhaqo, kuwaas oo usoo socday dalkan Norway.

Daawooyinkan ayaa waxaa sameeyay Norenco Polska oo ah shirkad kutaal gudaha dalka Polland, waxaana shirkadan iska leh ganacsato Norwiiji ah. Shirkadan ayaa caadi ahaan daawooyinkan usoo dhoofin jirtay dalalka Nordica, gaar ahaan Norway, Sweden iyo Denmark.

Dowlada Polland ayaa kadib markii ay ogaatay in daawooyinkaas wadankaas laga dhoofinayo qabatay, iyada oo sheegtay in dalkeedu uu xiligan baahi u qabo daawooyinka gacmaha lagu dhaqdo, si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona-virus.

Si aad u daawato wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix(Kadibna Subcribe saar/Abonner).

Norway ayaa dhankeeda cabsi ka qabto inay yaraadeen daawooyinka gacmaha lagu dhaqdo, xili ay aad usoo kordheyso baahida maalinlaha ee loo qabo daawooyinkaas.

Baarlamaanka dalka Poland ayaa bishan meelmariyay sharciyo dowlada dalkaas awood u siinayo inay qaado talaabooyin dheeri ah, kuwaas oo looga hortagayo faafista xanuunka Corona-virus.

Qareemo la hadlay warbaahinta ayaa Polland ku eedeeyay inay jabiyeen sharciga isku socodka ganacsiga ee dalalka Yurub, balse Poland ayaa dhankeeda ku andacooneyso in sharciga EU-du uu siinayo awood ah inay qaadi karto talaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinanayo caafimaadka dadweynaha.

Kiiskan ayaa tusaale u ah sida xanuunka Corona-virus uu khal-khal uga abuuray xiriiradii ganacsi, dhaqaale, bulsho iyo dowladeed ee soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Yurub.

Xigasho/kilde: Polen konfiskerer norsk håndsprit.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments