Kongsvinger: Nin kale oo jabiyay amarka karantiilka oo 20.000 lagu ganaaxay.

0
94
Foto: Politiet

Si aad ula socoto wararkeena oo maqal iyo muuqaal ah, Halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Sida ay qortay wakaalada wararka NTB, booliska Kongsvinger ayaa ganaax lacageed oo dhan 20.000 siiyay nin ku jiray karantiil oo jabiyay amarada booliska ee la xiriira karantiilista.

Ninkan ayay boolisku sheegeen inuu kasoo noqday dalka Turkiga, waxaana lagu sameeyay karantiilis 14 beri ahm si loo xajiiqijo inuu xanuunka qaaday iyo inkale.

Booliska ayaa sheegay inay ka war heleen in ninkan uu tagay meel xaflad ah oo ay joogeen dad badan, waxeyna ugu tageen goobtaas, iyaga oo ku wargaliyay inuu xaafadiisii ku noqdo.

Kadib markii ay hadana boolisku ka warheleen inuu hadana mar kale ku noqday gurigii ay xaflada ka dhaceysay, ayay boolisku ku ganaaxeen 20.000 oo lacag ah ama 15 beri oo xabsi ah.

Booliska ayaa sheegay inay dhamaan dadweynaha ku wargalinayaan inay raacaan amarada dowlada ee la xiriira karantiilka.

Isla booliska Kongsvinger ayaa sheegay inay raadinayaan nin si u kas ah ugu qufacay qof kale wajigiisa, waxeyna sheegeen inay heleen macluumaadka ninkaas, ayna soo qaban doonaan.

Xigasho/kilde: Mann i Kongsvinger ilagt 20.000 i bot for brudd på karanteneregler

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments