Wasiirka caafimaadka: Dad badan ayuu cudurka ku dhici karaa, laakiin diyaar ayaan u nahay.

0
82
Wasiirka caafimaadka Norway. Foto: Wikipedia

Shaley waxaa magaalada Tromsø lagu arkay qofkii ugu horeeyay ee qaba cudurka Corona, taas oo ah haweenay safar kaga soo noqotay dalka Shiinaha.

Sidoo kale dhowr magaalo oo Norway ah ayaa lagu karantiilay(meel gaar ah lagu xareeyay) ilaa toboneeyo qof oo looga shakiyay inay cudurkaas qabaan. Waxaana laga qaaday baaritaano lagu hubsanayo arintaas. Halkan kasii akhri.

Wasiirka caafimaadka: Dad badan ayuu ku dhici karaa.

Wasiiirka caafimaadka Norway, Bent Høie ayaa shaley warbaahintu u sheegay in cudurkan uu ku dhici karo dad badan oo Norway kunool. Maadaama uu ku faafi karo siyaabo fudud, ayna adagtahay in laga xakameeyo.

Balse wuxuu sheegay in wasaarada caafimaadku iyo dowlada Norway ay diyaargarow xoogan ugu jirto, sidii cudurkaas looga hortagi lahaa, loolana tacaali lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay in shaqaalaha laamaha caafimaadka Norway ay leeyihiin aqoon tayo sare leh oo looga hortagi karo cudurada halista ah ee faafa.

Xigasho/kilde: Helseminister Bent Høie er ikke overrasket over at coronaviruset nå er påvist i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments