Ap: Goobaha cibaada waa inay ugu yaraan heystaan 500 xubnood, si ay dhaqaale u helaan.

0
135
Foto: Twitter

Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa soo jeediyay in goobaha cibaadada ay heystaan ugu yaraan 500 xubnood(medlem), si ay dowlada uga helaan taageerada dhaqaale ee la siiyo goobaha cibaadada iyo masaajida.

Wasiirka diimaha Norway Kjell Ingolf Ropstad oo katirsan xisbiga Krf ayaa kasoo horjeedo soo jeedinta Ap, wuxuuna soo jeediyay in goobaha cibaadada ee leh wax ka badan 50 xubnood la siiyo taageero dhaqaale.

Dowlada ayaa sanadkii taageero dhaqaale oo dhan 1100 kr calaa xubin siiso goobaha cibaadada iyo masaajida.

Hadii la raaco soo jeedinta Ap, waxaana taageerada dowlada lumin karo wax ku 60% goobaha cibaadada iyo masaajida ee xiligan taageerada dhaqaale ka hela dowlada.

Xisbiyada SV iyo Frp ayaa iyagana la dhacsan in kor loo qaado tirada xubnaha ay goobaha cibaadadu ku heli karaan, taageerada dhaqaale.

Halkan ka fiiri goobaha cibaado ee lumin lahaa taageerada dhaqaale ee dowlada, hadii soo jeedinta Ap la raaci lahaa. Aftenposten

Xigasho/kilde: Arbeiderpartiet vil ta statsstøtten fra små trossamfunn

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments