Norway: Toboneeyo qof oo cudurka Corona looga shakisanyahay oo la karantiilay.

0
132

Sida uu qoray wargeyska VG, Isku dar ilaa toboneeyo qof oo kunool meelo kala duwan oo Norway ayaa lagu sameeyay karantiil( meel gaar ah lagu xiray), kadib markii looga shakiyay inay qabaan Viruska hargabka Corona.

Arintan ayaa soo baxday, kadib markii shaley magaalada Tromsø lagu arkay qofkii ugu horeeyay ee Norway gudaheed laga helo hargabka Corona. Haweenay dhawaan kasoo noqotay dalka Shiinaha, ayaa baaritan kadib laga helay cudurka Corona.

Xaaladaha magaalooyinka kale ee Norway:

Shan qof oo dhawaan dalxiis ku tagay dalka Talyaaniga ayaa magaalada Elverum lagu sameeyay karantiilis, kadib markii looga shakiyay inay qabaan cudurka Corona. Baaritaano laga qaaday shantan qof ayaan wali jawaabtooda la helin, sidaas darteed ayaa loogu xareeyo meel gaar ah, ilaa inta jawaabta baaritaanka laga helayo.

Magaalada Oslo: Lamaane is qaba ayaa lagu sameeyay karantiilis, kadib markii ay xanuunsadeen, iyaga oo kasoo noqday safar ay ku tageen magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Magaalada Horten: Sida ay qoreen warbaahinta lokalka ah, sadex macalin ayaa lagu sameeyay karantiilis, kadib markii looga shakiyay inay qabaan cudurkaa, waxeyna dhawaan kasoo noqdeen fasax ay ku tageen dalka Talyaaniga.

Magaalada Sauda ee gobolka Rogoland, waxaa iyagana la xanibay dhaq-dhaqaaqa dadka kunool sadex guri, kadib markii looga shakiyay inay cudurka Corona qabaan.

Wixii kusoo mordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: FLERE PERSONER I KARANTENE

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments