Taliyaha laanta soo galootiga ee booliska Norway oo lagu eedeeyay safar uu ku tagay Jabuuti.

0
133
Foto: Booliska Jabuuti

Taliyaha ciidanka booliska Norway, laantooda qaabilsan dib u celinta qoxootiga iyo arrimaha soo galootiga, ayaa sanadkii hore booqasho ku tagay dalka Jabuuti, isaga oo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin celinta muwaadiniinta u dhalatay dalkaas ee Norway ku jooga aqoonsiga aan saxda aheyn. Halkan kasii akhri.

Sida uu qabo sharciga maaliyada ee hey´addaha dowlada, dhamaan dadka u shaqeeyo dowlada ee safarada ku taga dalalka dibadda, iyaga oo u safrayo shaqo dowladeed, ayaa ku qasban inay soo gudbiyaan xisaabxirka qarashka ku baxay safarkooda.

Taliyaha laanta qaabilsan soo galootiga ee booliska Norway Arne Jørgen Olafsen, ayaa mudadii uu Jabuuti ku sugnaa degenaa hotell 5-tar ah, kaas oo lacagtiisa uu bixiyay taliyaha booliska dalka Jabuuti. Hotelkan ayaa kamid ah kuwo ugu qaalisan jabuuti, waana hotel sida uu TV2 qoray lagu soo dhaweeyo madaxda dalkaas booqashada ku tagto.

Siyaasiyiin katirsan xisbiga SV iyo hey´adda musuq-maasuqa Transparency International ayaa taliyaha ku eedeeyay inuu aqbalay in dowlada uu martida u ahaa ee Jabuuti ay bixiso lacagta hoteelka. Waxeyna sheegeen in taas ay calaamad su´aal saari karto madax banaanida shaqada booliska.

Xigasho/kilde; Norsk politisjef takket ja til gratis mat og opphold på femstjerners luksushotell

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments