Siyaasiyiin: Sharci halaga soo saaro darawalada suuqa madow ardeyda baabuur ku bara.

0
99
Foto: Vegvesenet

Hadii aad rabto inaad barato wadista baabuurta, wuxuu iskuulka caadiga ah ee sharciyeysan ardeyda ka qaataa lacag u dhaxeyso 600 ilaa 700 kr calaa saacad.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan Oslo iyo Bergen waxaa kusoo badanayo dad aan heysan ogolaanshaha(leysinka) baabuur barista, balse si suuq madow ah ardeyda ku bara wadista baabuurta. Sidoo kale baabuurta ay dadkaas casharada ku bixiyaan, ayaa ah kuwo aan heysan waxyaabihii loogu talagalay inuu lahaado baabuur qof cashar lagu siiyo.

Ururka ay ku mideysanyihiin macalimiinta iskuulada wadista baabuurta ee sharciyeysan, ayaa marar hore dowlada cabasho uga gudbiyay arintan, iyaga oo sheegay in suuqa madow ee baabuur baristu uu dhaawac dhaqaale oo weyn ku yahay xirfadooda shaqo. Waxeyna codsadeen in wax laga qabto

Sharci cusub oo dhawaan doodiisu ay bilaaban doonto, ayaa lagu sheegay in qof walba oo raba inuu si gaar ah(privat) qof u baro baabuur wadis, uu is diiwaan-galiyo, si loo ogaado inta saacadood oo uu sanadkii baabuur dad baray.

Sidaasna lagu ogaado inta saacadood oo uu baabuur qof baray iyo waliba dadka uu baraya iyo xiriirka ka dhaxeeyo. Loogana hortago suuqa madow ee barista wadista. Waxaana lasoo jeediyay in sanadkii uu ugu badnaan qof baabuur dad bari karo saacado kooban oo lala ogyahay.

Ururka ay ku mideysanyihiin macalimiinta iskuulada baabuur wadista ayaa arintan aad usoo dhaweeyay, iyaga oo sheegay inay aheyd wax loo baahnaa. Balse siyaasiyiinta qaarkood ayaa aaminsan in sharcigan uu dhibaato ku keeni karo dadka raba inay xubnaha qoyskooda baabuurta baraan.

Xigasho/kilde: Skal du øvelseskjøre med barna? Snart kan du bli nødt til å registrere deg.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments