Nin ku dhintay xabsiga qoxootiga ee Trandum.

0
82

Waaxda caafimaadka gobolka Oslo ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto dhimashada kiiska nin u dhashay dalka Ciraaq, kaas oo bishii October ee sanadkii 2019 ku geeriyooday xero-xabsiyeedka qoxootiga ee Trandum.

Trandum oo ku dhinac-taal garoonka diyaaradaha Oslo ayaa ah goob loogu tala-galay in lagu xiro dadka qoxootiga ah ee Norway ka helay diidmada codsiga magangalyada, kahor inta aan la tarxiilin.

1991 ayuu Norway yimid, 2017 ayay sharciga kala noqdeen:

Foto: Privat

Ninka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Imad Hasan Flayyih, wuxuuna dalkan Norway yimid 1999, isaga oo sanadkii 2000 helay sharci magangalyo oo qoxootinimo ah.

20 sano oo uu Norway ku noolaa kadib, 2017 ayay UDI-du ku wargalisay in lagala noqday sharcigii qoxootinimada, uuna ku noqon karo wadankiisii. August 2019 ayaa lagu xareeyay xabsiga qoxootiga ee Trandum, halkaas oo uu sadex bilood kadib ku geeriyooday sababo caafimaad dartood.

Imad Hassan oo 57-sano jir ahaa ayaa inta uu xabsiga Trandum ku jiray dhowr mar ka sheegtay xaalad caafimaad daro, iyada oo dadka xabsiga kula jiray ay warbaahinta u xaqiijiyeen in caafimaadkiisu uu aad u liitay. Wuxuuna marar badan ilaalada xabsiga ka codsaday in caafimaad ahaan la baaro ama la geeyo isbitaalka.

28-October ayaa baaritaan loo geeyay isbitaalka A-hus, balse 29-october ayuu ku geeriyooday xerada Trandum.

Wasiirkii hore ee cadaalada Norway, ayaa lagu heystaa inuu warbixin been ah siiyay baarlamaanka Norway, isaga oo sheegay in ninkan uu ku dhintay isbitaalka A-hus. Balse qareenka ninkan ayaa gadaal ka xaqiijiyay inuu ku geeriyooday qolkiisa dhexdiisa oo Trandum kuyaal.

Waaxda caafimaadka gobolka Oslo ayaa hada kiis baaritaan ah ku furtay booliska Norway, qeybtooda qaabilsan qoxootiga. Waxaa la baari doonaa kiiska dhimashada ninkan iyo qaabka ay boolisku uga howlgaleen arintiisa geerida kahor.

Xigasho/kilde: Imad (57) døde på Trandum

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments