Dowlada Norway: Hala joojiyo tarxiilka dadka sharci la´aan wadanka ku ahaa mudada dheer.

0
161
Wasiirada cadaalada Norway

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mælend ayaa laamaha soo galootiga ku wargalisay in ilaa amar danbe ay joojiyaan tarxiilka dadka qoxootiga ah ee diidmada ka heystay codsiga magangalyada, wadankana mudo dheer ku noolaa.

Wasaaradda cadaalada Norway ayaa shaley baarlamaanka u dirtay hindise sharciyeed isbadal loogu sameynayo xeerka soo galootiga, si dadka mudada dheer wadanka sharci la´aanta ku ahaa loo siiyo sharci dal kujoog rasmi ah. Halkan ka akhri hindise sharciyeedka dowlada.

Wasiirada cadaalada ayaa booliska iyo hey´addaha kale ee soo galootiga ku amartay inay joojiyaan tarxiilka dadka mudada dheer joogay, ilaa uu baarlamaanku ka fariisanayo dhageysiga soo jeedinta dowlada.

Wasiirada cadaalada ayaa sheegtay in hadii dadkaas la giiyo sharci magangalyo ay faa´iido weyn ugu jirto qofka iyo wadankaba, maadaama uu qofku heli doono fursad uu ku shaqeysto, ama uu naftiisa ku dabaro.

Dadkan ayay dowladu rabtaa in fursad la siiyo.

Sida ku xusan soo jeedinta dowlada, waxey wasaarada cadaaladu rabtaa in fursad magangalyo la siiyo dadka da´doodu iyo mudada ay wadanka joogeen, ay isku dar gaareyso 65 sano.

Tusaale ahaan, hadii qofku uu jiray 47 sano markii uu Norway soo galay uuna wadanka ku noolaa 18-kii sano ee ugu danbeeyay, waxuu buuxin karaa shardigaas, maadaama da´diisa iyo mudada uu wadanka joogay ay isku dar gaareyso 65 sano.

Ama hadii uu qofku jiray 35 sano markii uu Norway soo galay, uuna sharci la´aan ku noolaa 30 sano, waxaad buuxin kartaa shardigaas.

Soo jeedinta la xiriirta in dadka mudada dheer wadanka joogay la siiyo fursad magangalyo, ayaa ka bilaabatay kiis haweenay 63 sano jir ah, una dhalatay dalka Ethiopia, taas oo wadanka ku nooleyd 18-kii sano ee ugu danbeeyay. Isbuucii hore ayaa haweeneydan la dhigay xabsiga Trandum ee qoxootiga, kaas oo lagu xareeyo dadka la tarxiiliyo.

Xigasho/kilde: Politiet stanser utsending av asylsøkere med lang oppholdstid inntil videre.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments