UDI-da oo dadka kula talineyso inay sugaan codsiga dhalashada Norway.

0
209

Hey´adda socdaalka, jinsiyadaha iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee UDI-da, ayaa qoraal ay kusoo qoreen bogooda internetka ku sheegay in dadka raba inay codsadaan dhalashada dalkan Norway ay kula talinayso inay mudo bil ah sugaan dirista codsiga.

Hey´adda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in 3 februar ee sanadkan ay soo saari doonaan form cusub oo la xiriira dirista codsiyada, ayna kusoo bandhigi doonaan bogooda interntka. Formka cusub ayay ku sheegeen inuu yahay mid ay fudahahay buuxintiisa, isla markaana ay la socoto shuruudaha cusub ee qofka looga baahanyahay inuu buuxiyo marka uu codsanayo baasaboorka Norway, iyo waraaqaha uu kasoo qaadanayo booliska ama safaarada dalkiisa.

UDI-da ayaa sidoo kale sheegtay inay si toos ah(outomatik ah) xog uga soo qaadan doonaan hey´addaha kale ee dowlada Norway, sidaas darteed ay yaraan doonto waraaqaha uu qofku raacin doono codsiga dhalashada.

Computer ayaa ka shaqeyn doono codsiga:

Hey´adda socdaalka ayaa sheegtay in inta aan la gaarin xagaaga sanadka 2020 ay bilaabi doonaan in computer uu si toos ah u qaabilo, ugana shaqeeyo codsiga qofka ee dhalashada jinsiyada Norway. Iyaga oo sheegay in kiisaska buuxiyay shuruudaha saxda ah ee looga baahnaa, ay si toos ah jawaabta codsiga uga helayaan computerka, taasna ay aad u dhimi doonto waqtiga sugitaanka.

Balse qofkii uu computerku diido ama aan buuxin shuruudaha ayaa kiiskiisa loo wareejin doono qof ka shaqeeyo, si uu dib u fiirin ugu sameeyo.

Sidaas darteed ayay dadka ugu baaqeen inay sugaan codsiga dhalashada inta ay kasoo saarayaan waraaqaha codsiga cusub ee jinsiyada Norway, si uu qofku jawaab ugu helo mudo ka yar tan hada ee sugitaanka jawaabta codsiga.

Xigasho/kilde: Du bør vente med å søke om statsborgerskap til 3. februar

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments