TV-ga CNN oo 2,4 bilyan magdhow ah kula heshiiyay wiil ay muuqaal qaldan ka gudbiyeen.

0
131

Warbaahinta ayaa mararka qaarkood sameeya qaladaad ay ka galaan shaqsiyaad ama koox dad ah oo warbixintooda ay si qaldan usoo gudbiyaan, iyaga oo aan iska hubin ama aan sameyn baaritan sax ah.

Balse qofkii yaqaana xaqiisa, garan karana sida uu u raadsan kara ayaa warbaahinta la tiigsan karo maxkamad uu ku dalbanayo magdhow dhaqaale iyo raaligalin public ah. Sida uu sameeyay Nick Sandmann oo ah ardey mareykan ah oo maxkamad la tiigsaday muuqaal baahida CNN oo horey u gudbiyay warbixin iyo muuqaal si qaldan loo turjumay.

Nick iyo ardey kale oo ay isku fasal yihiin, kuna socdo goob mudaaharaad ah, ayay waxey dhexda kula sii kulmeen odey katirsan mid kamid ah qabiilada hindida ah ee loogu yimid dalka Mareykanka(hindida asalka ah ee mareykanka).

Ardeygan oo xiligaas qabay koofiyad ay ku qorantahay ereyo taageero u ah madaxweynaha mareykanka Donald Trump, ayaa waxaa dhibaato gaarsiiyay, aflagaado xuna kula kacay odeyga, waxaana laga duubay muuqaalo muujinaya sida uu odeygu iskugu dayayo inuu fal-celin gacan ah ka keeno ardeydan oo labada aan wax fal celin ah sameynin inta dhibtaas loo geysanayo.

Dhibinihii dhibta lagu rogay:

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa waxaa gacanta ku dhigay TV-ga CNN, kaas oo iyaga oo aan kiiska si fiican baarin, aqoona u laheyn dhacdada faafiyay muuqaalka oo si qaldan loo turjumay, loona muujinayo in Nick uu yahay cunsuri dhib u geystyay odey miskiin ah.

Intaas kadib, wuxuu muuqaalkaas gaaray warbaahinta kale ee Mareykanka iyo dunida kale ee caalamka, waxaana Nick lagu dhajiyay cunsuri. Isaga oo sheegay in loogu hanjabay dil, uuna kasoo bixi waayay gurigiisa. Sidoo kale laga ceyriyay shaqo uu ka shaqeynayay, looguna hanjabay in iskuulka laga tuuri doono.

Maxkamad uu la fuulay TV-ga baahiyay muuqaalka qaldan ee CNN ayuu kaga guuleystay maxkamada, waxaana hada loo xukumay lacag gaareyso 2,4 bilyan kr, una dhiganta 275 milyan oo dollar.

Xigsho/kilde: CNN saksøkt for ærekrenking – har blitt einig med skuleelev om forlik

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments