Shirkad kaluumeysi Norwiiji ah oo lagu xukumay faquuq iyo magdhow ka dhan ah shaqaale ajnabi ah.

0
147
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Shirkad Kaluumeysi ah oo Norwiiji ah ayaa lagu xukumay faquuq ka dhan labo nin oo shaqaale u dhashay dalka Poland ah, waxeyna shirkadu labadan nin siin jirtay mushaar 50% ka hooseeyo mushaarka shaqaalaha kale ee Norwiijiga ah.

Shirkada ayaa arintaas ku sababeysay in labada nin ay deegaan ahaan ku noolaayeen dalka Poland, halkaas oo maciishad ahaan iyo nolol ahaanba aad uga qiimo jaban tan Norway.

Labadan nin ayaa marka shirkada lagu xukumay danbiga faquuqa iyo kala sooca shaqaale , waxey codsadeen magdhow gaaraya  608 000 kr oo midkood ah iyo 232 000 oo kan kale ah.

Shirkada ayaa ogolaatay magdhowka qofka koowaad oo dhan 608 kun kr, halka kan kale aysan wali codsigiisa magdhowka kasoo jawaabin. Balse qareenka u doodaya qofka labaad ayaa ka digay inuu kiiska maxkamad gaarsiin doono.

Xigasho/kilde: Må betale 608 000 kr i erstatningRederi dømt for diskriminering

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments