Lacagta ganaaxa goynta balanta isbitaalka oo 50% kor loo qaaday.

0
139
Foto: Getty Images

Dowlada ayaa wixii ka bilowday sanadkan cusub ee 2020, 50% kor u qaaday lacagta ganaaxa ah ee laga qaado dadka gooya ama aan imaan balanta isbitaalada, iyaga oo soo sheegin 24 saac kahor xiliga balanta.

Ganaaxaas oo wixii ka horeeyay 2020 ahaa 702 kr, ayaa hada noqon doono 1053 kr.

Dowlada ayaa sheegtay in arintan ay uga dan leedahay in la dhimo tirada dadka aan sanad walba imaan balamaha caafimaad ee ay la galaan isbitaalada dalka. Dowlada ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah ay gooyeen 200.000 qof oo balan ka qabsaday isbitaalada, tiradaasna ay tahay mid aad u badan, waqti badana looga luminayo dadka u baahan balamahaas.

Si uu qofka uga badbaado ganaaxaas, waa inuu balanta uu qabsaday tagaa ama uu 24 saac kahor soo wargaliyo inuusan imaan karin. Qofkii xanuun darteed u imaan waayo balanta, isla markaana cadeyn u keensada xanuunkiisa, ayaan laga qaadi doonin ganaaxaas.

Xigasho/kilde: Nå skal det svi på pungen å ikke møte til time på sykehuset.

Dyrere å droppe time på sykehus.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments