Gudoomiye Frp katirsan: Raja ha kaxeysto hooyooyinka uu raba inuu keeno ha is raacaan, hana baxaan.

0
108
Foto: Stortinget.no

Abid Raja oo kamid xubnaha xildhibaanada xisbiga Venstre ee baarlamaanka Norway, ayaa shaley soo jeediyay in dowlada Norway ay xeryaha qoxootiga Siiiriya soo qaado hooyooyinka heysta dhalashada Norway, kana tirsanaa ururkii Daacish, iyo waliba caruurta ay dhaleen.

Raja oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan ayaa sheegay in sharci ahaan dowlada Norway ay waajib ku tahay badbaadinta iyo gargaar caafimaad u fidinta caruurtaas heysata dhalashada Norway, isaga oo ku qaabay in sharciga loo sinaado. Lana kala saaro siyaasada xisbiyada iyo qaanuun ahaan wixii sax ah.

Gudoomiye Frp: Raja iyo hooyooyinkaas ha baxaan.

Odd Eilert Persen oo ah gudoomiyaha xisbiga Frp ee gobolka Troms iyo Finnmark ayaa qoraal uu bartiisa Facebooga ku qoray ku sheegay in Raja uu kaxeysto hooyooyinkaas uu rabo inuu Norway keeno, ayna wada baxaan.

Qoraalka ninkan gudoomiyaha ah ee Facebooga uu kusoo qoray ayuu ku lifaaqay linkiga war uu Nrk ka qoray hadalka Abid Raja.

Isla qoraalka ninkan uu soo share gareeyay ayaa waxaa ka muuqdo siyaasi kale oo Frp katirsan, kaas oo Raja ku sheegay inuu yahay Islaamiiste.

Siyaasiyiin xisbiga Venstre katirsan ayaa caro xoogan ka muujiyay hadalka ka dhanka ah siyaasiga Raja, iyo in lagu tilmaamo Islaamiiste. Waxaana gudoomiya xisbiga Frp, SIv jensen loogu baaqay inay arintaas raali galin ka bixiso.

Raja ayaa horey ula kulmay hanjabaado kala duwan, iyada oo marar badan laga codsaday inuu ku noqday dalkiisii. Xiliyada qaarna dil loogu hanjabay. Waxaa xusid mudan in dadka ninkan u hanjabada ay isugu jiraan muslimiin xagjir ah iyo dad taabacsan afkaarta midigta fog.

Xigasho/kilde: Frp-fylkesleder ber Raja og Venstre ta med seg «IS-barna» og ryke og reise.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments