Bergen: Labo caruur ah iyo hooyadood oo ku dhintay dab gurigooda ka kacay.

0
113
Foto: NRK-Skjermdump Sawirka booliska Bergen oo shir jaraaid qabanaya.

Shaley oo talaado ayay booliska magaalada Bergen xaqiijiyeen in gabar 14 sano jir ah iyo hooyadeed oo 44 jir ah ay u dhinteen dhaawacyo kasoo gaaray dab maalintii sabtida aheyd ka kacay gurigooda.

Horey waxaa dhaawacyada dabka u dhintay gabar kale oo qoyskan katirsan, taas oo da´deedu aheyd sagaal sano. Isku dar tirada xubnaha qoyskan ee u dhintay dabka gurigooda ka kacay ayaa hada isku dar gaareyso, waxaana wali xaalad halis ah oo dhaawac ah ku sugan ilmo kale oo qoyskan ka tirsan.

Qoyskan oo ahaa qoxooti Siiriyaan ah ayaa isku dar ka koobnaa labada waalid iyo shan ilmood oo da´doodu u dhaxeyso 7 ilaa 18 sano. Xiliga uu dabka guriga ka kacay waxaa guriga ku sugnaa 4 ilmood iyo labada waalid.

Sadex ilmood oo hooyadood ayaa waxaa dabka kasoo gaaray dhaawacyo halis ah. Hooyada iyo labo gabdhood ayaa hada u geeriyooday dhaawacyada, halka ilmaha kalena uu wali ku suganyahay xaalad koomo ah.

Booliska Bergen ayaa sheegay inay wali baarayaan sababta dhalisay dabka iyo waxa uu kacay.

Jaaliyada Siiriyaanka ah ee Bergen iyo guud ahaan bulshada muslimiinta ah ee magaaladaas ayaa arintan aad uga tacsiyeeyay, iyada oo isbitaalka ay dhaawacyada xubnaha qoyskan ay soo booqdeen boqolaal qof.

Xigasho/kilde: Brannen i Bergen: Mor (41) og datter (14) bekreftet døde

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments