Wasiirka cadaalada: Quraan-gubistu waa qeyb kamid ah xoriyada hadalka.

0
151
Jøran Kallmyr : Wasiirka cadaalada Foto: Skjermdump/TV2

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay qeybo badan oo dunida muslimka ah ka socday fal-celino xoogan oo laga muujinayo kitaab quraan ah oo lagu gubay dibax bax ka dhacay magaalada Kristiansand. Kaas oo ay soo abaabuleen kooxda xagjirka midigta fog ee SIAN.

Booliska Norway ayaa markiiba qabtay ninka gubayay kitaabka quraanka ah, waxeyna boolisku heysteen amar ah inay ka hortagaan gubista kitaabka quraan iyo waxyaabaha kale ee qiimiga-diiniga ah leh.

Wasiirka cadaalada Norway, Jøran Kallmyr ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in gubista quraanku ay tahay qeyb kamid ah xoriyada hadalka iyo cabirista fikirka qofka, ayna sharci ka tahay Norway.

Jøran Kallmyr oo Frp katirsan ayaa sheegay in arintaas ay kamid tahay xoriyada hadalka, dadku ha jeclaadaan ama ay yeysan jeclaane.

Wasiirka ayaa badalay wareegto uu horey garyaqaanka guud ee Norway u siiyay booliska, kuna amray inay ka hortagaan gubista quraanka.

Arintan ayaa kusoo aadeyso iyada oo dunida muslimka qaarkeed ay ka socdaan banaanbaxyo waaweyn oo arintan looga soo horjeedo. Waxaana dibadbax shaley ka dhacay dalka Pakistan lagu gubay calanka Norway.

Xigasho/kilde: Ny politiordre etter omstridt koranbrenning

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments