Wuxuu sawirka xubintiisa taranka snapchat ugu diray gabdho: Xabsi ayaa lagu xukumay.

0
95
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Nin labaatameeyo jir ah ayaa lagu xukumay 60 maalmood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu sawiro «anshax daro ah» u diray gabdho dhalinyaro ah.

Ninkan oo adeegsanaya App-ka xiriirka bulshada ee «Snapchat» ayaa sawiro uu ka qaaday qeybo jirkiisa kamid ah u diray gabdho ay da´doodu u dhaxeyso 16-17 sano. Waxaana sawirada raacsanaa qoraalo uu u dirayay gabdhaha uu rabay inay ugu soo jawaabaan barta «snapchat»-ka.

Xeer ilaalinta ayaa ninkan ku eedeysay inuu gabdhana u geystay gaf anshax daro ah, maadaama uu marar badan u diray sawiro uu ka qaaday xubintiisa taranka iyo qeybo kale oo jirkiisa kamid ah. Waxeyna maxkamada ka codsadeen in lagu xukumo 75 maalmood oo xabsi ah.

Maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay 60 maalmood oo xabsi ah, balse 30 maalmood oo kamid ah, ayaa looga dhigay xabsi shuruudeysan.

Ninkan la xukumay ayaa sheegay inuu arintan caadeystay, ayna ku adkeyd inuu joojiyo. Wuxuuna maxkamada ka hor sheegay in ujeedkiisu aysan aheyn gaf uu u geysto gabdhaha uu sawirada u diray.

Maxkamada ayaa go´aankeeda ku sheegtay in falalka gafka anshax darada jinsiga la xiriira ay aad ugu soo badanayaan bulshada , waxeyna raacisay falalka noocaas ah iyo xukumada la xiriira ay yihiin kuwo aan la dhayalsan karin.

Xigasho/kilde: Mann dømt til fengsel for å ha sendt penisbilder

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments