Sweden: Maamulka iskuul ay soomaali maamusho oo lagu xukumay inay soo celiyaan 1.1 Milyan.

0
179
Foto: Wikipedia

Go’aan ka soo baxay hayadda hoggaanka iskuullada – Skolverket ayaa lagu amray hoggaanka ururka sama falka dugsiyada Al-azhar ee magaalada Örebro, xaafadda Vällinby iyo sidoo kale shirkadda Edinit AB oo hoos timaada ey dib u soo celiyaan dhaqaale gaarsiisan 1,1 malyan kr oo lacagta Sweden ah, sida hayaddu ku qortay boggeeda.

Hayadda hoggaanka iskuullada ayaa go’aansatay qaboobihii ina soo dhaafay inay baaris qoto dheer ku sameeyso, iyadoona ay ka soo baxeen khaladaad qoraalladii diwaannada, waana sababta keentay in dib looga dalbado dhaqaalahaa.

– Waxaannu xoogga saarney in aannu dabagal ku sameeyno taageeradii dhaqaale ee loogu talo galey macallimmiinta qaar ka mid ah, waxa loo yaqaanno dalacaadda mushaarada. Waxaannu dib u eegney illaa iyo sannadkii 2015.

Saddexda qaybood ee iskuulka ayaa muujin kari waayey in taageeradaa dhaqaale loo isticmaaley habkii loo qorsheeyey, waana sababta dib loogu amray iney dib hayadda ugu soo celiyaan dhaqaalahaa, sida uu sheegay Andreas Spång, madaxa laanta taageerada ee hayadda hoggaanka iskuullada.

Xigasho/kilde: SverigesRadio/Somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments