Senterka Oslo oo maanta u ekaaday furin dagaal.

0
169
Foto: Skjermdump/NRK

Qeybo kamid senterka magaalada Oslo, gaar ahaan wadada caanka ah ee Karl Johans Gate ayaa maanta u ekaatay goob uu ka socdo dagaal, kadib markii ay wadooyinka mara senterka ay isku gacan saareen labo kooxood oo magaalada mudaaharaadyo kala duwan ka dhigayay.

Labada mudaarahaad ayaa midkood looga soo horjeeday duulaanka iyo gulufka ay ciidamada Turkiga ka wadaan xuduudka wadanka Siiriya, gaar ahaan gobolka Kurdida. Waxaana abaabulkiisa lahaa qowmiyada Kuridada oo dalkan Norway ku xoogan.

Mudaaharaadka labaad ayaa isna saacad kadib ka bilowday magaalada, wuxuuna ahaa mid lagu taageerayay dowlada Turkiga, iyo ciidamada dalkaas ee howlgalada ka wada xuduudka dalka Siiriya.

Labadan kooxood ayaa markii hore ku kulmay afaafka safaarada Turkiga, ayaa bilaaway inay isku qeyliyaan, kadibna ay gacanta iskula tagaan. Iyaga oo xiray qeybo badan oo isku socodka dadka iyo baabuurta magaalada Oslo.

Booliska ayaa baaruuda indhaha u adeegsaday kooxahan isku gacan saaray magaalada, waxaana ay boolisku sheegeen inay isku dar 7 qof usoo qabteen dhacdadan.

Muuqaalada iyo sawirada isku dhacyadan laga soo qaaday ee baraha bulshada iyo warbaahinta wareegaya ayaa u muuqdo kuwo aad u foolxun. Waxeyna maanta Oslo u ekaatay furin dagaal.

Muuqaal baraha bulshada aad u wareegaya ayaa muujinaya baabuur si ula kac ah qof u jiiriya, kadib markii weerar loo geystay darawalka baabuurka.

Xigasho/kilde: Pro- og anti-tyrkiske demonstranter barket sammen i Oslo – politiet brukte tåregass

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments