R.W Soomaaliya oo la kulmay wasiirka maaliyada Norway.

0
181
Foto: OPM-Somalia

Sida uu bartiisa Twitterka kusoo qoray, Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyada dalkan Norway, Siv Jensen.

Siv Jensen oo sidoo kale ah gudoomiyaha xisbiga Frp, ayaa reysulwasaare Kheyre kala qeybgashay kulanka sanadlaha ah ee bankiga aduunka oo isbuucan ka socday magaalada Washington.

Wufuuda Norway iyo Soomaaliya ee sanadkan kulanka joogo, ayaa waxaa sidoo ka kamid ah wasiirka deeqaha Norway(Dag Ulstad), Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo gudoomiyaja bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi oo isna reer Norway ah.

Reysulwasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay inuu dowlada Norway uga mahad celinayo deynta ay dhawaan ku caawisay Soomaaliya, taas oo ah talaabada koowaad ee Soomaaliya ay u qaaday go´aanka kama danbeysta ah ee qorsha deyn cafinta.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments