Booliska: Si ula kac ah ayuu dadka u jiirsiiyay baabuurka uu afduubtay.

0
149

Booliska Oslo ayaa hada ku gudo jiro shir jaraaid oo ay kaga hadlayaan dhacdadii maanta uu ninka ku afduubtay baabuurka gargaarka deg-dega, uuna ku jiirsiiyay, kuna dhaawacay dhowr qof.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu si ula kac ah baabuurka ugu waday wadada ay dadku maraan, uuna isku dayay inuu jiirsiiyo dadkii jidka marayay. Wuxuuna ku dhaawacay dhowr qof oo ay kamid yihiin labo caruur mataano ah.

Booliska ayaa sheegay inay soo ninka falkan ka danbeeyay ay gacanta ku dhigeen, ayna baabuurku uu watay ay ka dhex heleen qori iyo biskoolad. Waxeyna sheegeen in ninkan uu yahay Norwiiji dhalad ah, balse aysan wali ogeyn sababta uu falkan u geystay iyo ujeedada.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay soo qabteen haweenay lala xiriirinayo falkan, ayna labada qof ee falkan loo soo qabtay ay yihiin dad ay horey boolisku u yaqaaneen.

Waxaa wali jiro su´aalo badan oo falkan lala xiriirinayo, kuwaas oo jawaabtooda aysan wali sheegin.

Wixii arintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments