Frp oo lagu dhaleeceeyay inay warar aan sax aheyn oo qoxootiga ku saabsan ay codad ku raadsanayaan doorashada.

0
162
Foto: Facebook

Afhayeenka xisbiga Frp ee arrimaha soo galootiga, Jon Helgheim ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga ku sheegay in xisbiga Frp uu hey´adda soo galootiga ee UDI-da uu ku amray inay magangalyada ka celiyeen qoxootiga fasaxa u aado dalkii ay sheegeen inay kasoo qaxeen.

Wuxuuna taageerayaasha ku xiran bogiisa ka codsaday inay Facebooga ku qeybiyaan, lana sii wadaagaan asxaabtooda.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Dad badan ayaa arintaas ka muujiyay fal celis xoogan, waxaana xisbiga Frp lagu eedeeyay inay marin habaabin ku sameynayaan kiisaska qoxootiga, si ay codad uga raadsadaan dadweynaha. Waxeyna arintan maalmihii ugu danbeeyay dood adag ka abuurtay baraha bulshada.

Arinta ay dadka ugu badan ka muujiyeen xanaaqa ayaa ah in xisbiga Frp uu sheegtay inuu UDI-da amar ku siiyay inay sharciga ka celiyaan qoxootiga, taas oo aan aheyn mid sax ah, hadii la fiiriyo qaabka uu u shaqeeyo sharciga Norway.

Sharci yaqaanada ayaa sheegay in Frp aysan awood u laheyn inay amar siiyaan wasaarad ama hey´add katiran dowlada, balse ay wasiirada katirsan xisbigaas ee wasaarada maamula ay amar siin karaan.

Waxaana su´aal laga keenay in xisbi siyaasadeed uu lahaan karo awood uu amar ku siiyo wasaarad kamid ah wasaaradaha ugu waaweyn wadanka.

Arintan ayaa dadka ugu badan u fahmeen in xisbiga Frp uu taageero kaga raadsanayo dadweynaha, maadaama ay isbuucyo naga xigaan doorashadii golayaasha deegaanka.

Xigasho/kilde: Hevdet Frp hadde instruert UDI om ferieflyktninger: – Overhodet ikke, mener professor

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments