Daraasad cusub: Dhalinyarada soomaaliyeed ee Norway, waxey aad ugu dadaaleen waxbarasho heer jaamaceed ah qaataan.

0
148
Foto: SSF Sawirka: Kulanka dhiirigalinta waxbarashada ee ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway

Sida lagu sheegay daraasad cusub oo dhawaan soo baxday, dhalinyarada ay waalidkood soomaaliya kasoo jeedaan ee dalkan Norway kunool, ayaa aad ugu dadaala waxbarashada dugsiyada sare, iyaga oo hami sare ka leh inay gaaraan waxbarasho heer jaamaceed ah(Hoos ka akhri iyada oo af Norwiiji ah).

Daraasadan oo ay isla sameeyeen labo cilmi baare oo katirsan xarunta cilmibaarista ee NOVA oo katirsan machadka Oslo iyo Akershus, ayaa lagu darsay heerka aqoonta dhalinyarada ay waalidkood kasoo jeedaan 20-ka qowmiyadood ee soo galootiga ah ee wadankan ugu badan.

Dhalinyarada ay waalidkood kasoo jeedaan dalalka Soomaaliya, Paakistaan iyo Srilanka ayaa la sheegay inay han weyn u leeyihiin dhanka waxbarashada. Dhalinyarada soomaalida ah oo inta badan ay warbaahintu ka bixiso sawir aan fiicneyn, ayaa daraasadan lagu sheegay inay dadaal adag ugu jiiraan qaadashada waxbarasho jaamaceed, ayna leeyihiin hami aad u weyn oo dhanka waxbarashada.

Isla daraasadan ayaa lagu sheegay inuu farqi u dhaxeeyo natiijada ay dugsiyada sare ka keenaan dhalinyarada soo galootiga ah iyo kuwa wadanka asal ahaan u dhashay.

Halkan kasii akhri daraasadan oo kooban(Forskning.no). 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments