Soomaalida Denmark oo bilaabay inay baraha bulshada ku faafiyaan sheekooyin iftiiminiya inaysan aheyn sawirka ay warbaahintu ka bixisay.

0
111

Isbuucii hore waxaa warbaahinta Denmark, min gobol ilaa tuulo aad looga hadalhayay haweenka soomaalida ah ee dalkaas ku dhaqan, iyo ka qeyb qaadashadooda suuqa shaqada. Arintan ayaa bilaabatay kadib markii muuqaal baahiyaha TV2 ee dalkaas uu faafiyay warbixin ay si qalad ah usoo bandhigeen, sida ay iyagu(TV2) markii danbe qirteen.

Soomaalida ku dhaqan Denmark ayaa isbuucii lasoo dhaafay fal-celin aad u xoogan ka muujiyay sawirka liidida ah oo warbaahinta dalkaas iyo siyaasiyiintuba ay soomaalida ka bixiyaan. Waxeyna muujiyeen inay yihiin qeyb kamid ah mujtamac weynaha Denmark ku dhaqan, Iyaga oo qaarkoodna ay warbaahinta dalkaas  u soo bandhigay boqolaal wanaag oo ay qabteen, balse ay warbaahintu rabin inay soo bandhigto.

Sidoo kale baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga waxaa ka socdo olole xoogan oo ay soomaalida Denmark, gaar ahaan dumarku ay kusoo bandhigayaan sheekooyin wanaag ah oo ay qabteen. Bogan Facebooga ah ee loogu magacdaray Somaliskberigelse(Halkan riix)  ayaa isbuucii ugu danbeeyay waxaa saacadiiba lagu soo bandhigayay dhowr qof oo soomaali ah oo dalkaas wax ka bartay, ka shaqeeyo, bulshadana u qabto howl muhiim ah.

Dadka sheekooyinka kusoo bandhigay bogaas ayaa isugu jiro nooc walba oo bulshada soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan ah, waxeyse wadaagaan inay yihiin dad dadaalaya, muujinayana in soomaalidu aysan aheyn sida ay warbaahintu sawirka uga bixiyaan.

Soomaalida Denmark ayaa howsha ay qabteen, iyo sida ay u wajaheen dhaleeceynta warbaahinta isbuucii lasoo dhafay ku mudan in lagu bogaadiyo, loogana deydo.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments