Wasiirka isdhexgalka: Soomaali badan ayaa shaqeyn lahaa, hadii ay NAV qaab kale ula socon laheyd xaaladooda.

0
94
Jan Tore: Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo isdhexgalka Norway

Wargeyska Aftenposten oo kamid ah warbaahinada waaweyn ee dalkan Norway ayaa maalin kahor bogiisa koowaad kusoo daabacay warbixin uu uga hadlayo in xafiiska shaqada iyo caawinta ee NAV a soomaalida ku wareejiyaan koorsooyin micno la’aan ah, aana wax saameyn isbadal ah u keenin noloshooda.

Sida lagu sheegay warbixinta Aftenposten, NAV ayaa soomaalida ku tijaabisay 216 qodob oo loogu tala-galay in shaqo lagu geeyo, balse waxey intooda badan noqdeen kuwa aan miro-dhalin.

Cilmibaareyaal katirsan hey’adda cilmibaarista ee FAFO ayaa iyagana dhankooda Aftenposten u sheegay in isfahan daro weyn uu ka dhaxeeyo soomaalida iyo NAV, aysana NAV soomaalidi siinin koorsooyin ku haboon baahidooda. Dad badan oo soomaali ah ayaa u baahan waxbarasho aas-aasi ah, sida barashada luuqada ama waxbarashada dugsiga dhexe, halka ay NAV soomaalida ku wareejiso koorsooyin looga hadlayo sida shaqo loo codsado, taas oo aan ku habooneyn baahidooda shaqsiyeed. Arintaasna waxey cilmibaarayaashu sheegeen inay keeneyso isfahan daro iyo wareer ka dhex taagan soomaalida iyo NAV.

Wasiirka isdhexgalka: Nidaamka NAV waa in wax laga badalo. 

Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo isdhexgalka , Jan Tore Sanner ayaa Aftenposten u sheegay in loo baahanyahay isbadal lagu sameeyo Nav iyo sida ay ula dhaqanto soo galootiga. Wuxuuna raaciyay in dowlada ay hada ka shaqeyneyso in la keeno qorshe cusub oo ku saabsan isbadal lagu sameeyo Nav, inta uusan sanadkan dhamaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale NAV u sheegay inuu aaminsanyahay in dad badan oo soomaali ah ay maanta shaqo joogi lahaayeen, hadii ay NAV xaaladooda u wajihi laheyd, si ka duwan sida ay maanta sameeyaan.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments