SVT: sanadkan 2017-ka waxey Sweden sharci siisay 51.000 qof

0
137

Sida uu soo tabiyay tv-ga qaranka Sweden ee SVT, 11-kii bilood ee lasoo dhaafay sanadkan 2017, waxaa dalka Sweden sharci magangalyo ka helay dad gaaraya 51.100 qof.

Tiradan ayaa ah mid aad uga badan tii ay sanadkan qorsheysay dowlada dalka Sweden, maadaama sanadkii 2015-ka ay isbadal weyn ku sameeyeen siyaasada soo galootiga dalkaas.

Fredrik Söderberg Bruce oo katirsan hey´adda socdaalka dalka Sweden ayaa sheegay in tiradaas ay tahay mid aad u badan, balse hadii dhanka kale laga fiiriyo ay dad badan oo Sweden soo galay dhowrki sano ee ugu danbeeyay ay sharci heleen sanadkan. Sidaas darteed ay tiradu noqoneyso mid koreyso.

Hey´adda socdaalka dalkaas ayaa saadaalisay in sanadkan 2018-ka ay Sweden soo gali doonaan dad dhan 43.000.

Norway iyo Sweden kala dheer:

Dalkan Norway waxaa sanadkan albaabada loo loobay boqolaal xero oo ah kuwa dadka lagu soo dhaweeyo, maadaama uu hoos u dhac balaaran ku yimid tirada soo galootiga Norway soo galo. Arintaas ayaa ka dhalatay siyaasada adag ee soo galootiga dowlada Norway.

Tirana dad magangalyada soo weydiistay Norway ayaa ilaa hada waxyar kor u dhaafaya 3000, lamana hubo in dadkaas kamid ah ee sharciga helay.

Xigasho/kilde: Nettavisen/SVT

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments