Shaqadan waxaa NRK ka codsaday 124 qof, waxaana ugu danbeyn helay gabar soomaali ah.

0
82
Khadro Yusuf, xiliga ay qaadaneysay bilada sinaanta sanadka 2017 ee LO. Foto: Sandra Skillingsås

Tv-ga qaranka dalkan Norway ayaa goor sii horeysay oo sanadkan ah soo bandhigay shaqo vikar hal sano ah, oo ku saabsan wax baare(researcher). Waxaana NRK booskan shaqo ee banaan ka codsaday 124 qof oo kala duwan, sida uu qoray wargeyska Medier24, oo ah wargeys ka warama arimaha warbaahinta dalkan Norway.

Ugu danbeyna waxaa helay Khadro Yuusuf oo ah gabar soomaali qoraa ah, waxna ku qorto wargeysyada dalkan Norway. Khadro ayaa horey ugu soo shaqeysay qeybo kala duwan oo warbaahinta Norway katirsan.

NRK iyo Khadraba waxa ay Medier24 u sheegeen sida ay uga qanacsanyihiin booska shaqo cusub oo Khadro Yusuf ku guuleysatay.

Khadro ayaa kusoo caanbaxday barnaamijka ay sanadkii 2002 ka diyaarisay masaajida Norway, oo la dhex gashay kaamiro qarsoon, iyada oo wax ka weydiineyso xaalada gudniinka gabdhaha. Barnaamijkan oo ka baxay TV2 ayaa qeyb ka ahaa barnaamijyo taxane ah oo TV2 ka bixi jiray sanadadaas.

Khadro Yusuf ayaa sidoo kale goor sii horeysay oo sanadkan ah ku guuleysatay bilada sinaanta raga iyo dumarka ee urur weynaha shaqaalaha Norway ee LO-da.

Xigasho/kilde: Medier24.com, LO.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments