Midowga Yurub oo furay qorshe ah inay 10.000 oo qoxooti ah ay kasoo qaataan xeryaha Libya

0
153
Muniiro oo ah gabar 20 iyo wiilkeeda Mubaarak jir soomaali ah oo Libya laga soo badbaadiyay. Waxey kamid tahay koox 120 qof oo Talyaaniga la keenay. Foto: UNHCR/ALESSANDRO PENSO

Midowga Yurub ayaa albaabada u furay qorshe inay sanadka 2018-ka xeryaha qoxootiga Libya kasoo qaataan ilaa 10.000 oo qoxooti ah, loona qeybiyo wadamada Midowga Yurub. Arintan ayaa timid kadib markii warbixino aad u xanuun badan ay kasoo baxeen xaaladaha qoxootiga iyo tahriibayasha kunool dalka Libya.

Dowlada Talyaaniga ayaa xaqiijisay inay ka shaqeynayaan furitaanka qorshahan ay ugu magac gacanka bini aadanimada. Waxaana soo jeedintiisa lahaa midowga Yurub ee EU-da.

Wasiirka arimaha gudaha dalka Talyaaniga Marco Manniti Talyaaniga ayaa sheegay in qorshahan lagu soo qaadi doono ilaa 10.000 oo qoxooti ah oo Libya ku sugan.

Muniiro oo ah gabar 20 iyo wiilkeeda Mubaarak jir soomaali ah oo Libya laga soo badbaadiyay. Waxey kamid tahay koox 120 qof oo Talyaaniga la keenay.
Foto: UNHCR/ALESSANDRO PENSO

Arintan ayaa soo baxday kadib markii dhawaan dalka Libya ay diyaarad milatari oo Talyaaniga laga leeyahay ay soo qaaday ilaa 162 qof oo qoxooti ah, kuna sugnaa dalka Libya. 162 qof ee la keenay Talyaaniga ayaa  kasoo jeedo wadamada Soomaaliya, Ethiopia iyo Ereteria. Waxaana kooxdan lasoo qaaday kamid ah caruur, dad xanuunsan iyo kuwa naafo ah.

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in dadkan ay yihiin kuwa xaqa u leh magacyalada bini aadanimo ee caalamiga.

Kumanaan kun oo qoxooti ah ayaa ku xareysan xeryaha qoxootiga dalka Libya, waxeyna halkaas kula kulmaan jirdil iyo falal arxan daro ah, sida lagu arkay muuqaalo dhawaan warbaahinta galbeedka qaarkood ay ka diyaariyaan qoxootiga Libya.  Qoxooti gaaraya ilaa 400.000 qof ayaa xiligan ku sugan xeryaha qoxootiga dalka Libya.

 

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments