Dowlada Denmark: Lacag qaata, oo joojiya codsiga dib u midowga qoysaska(reerkaaga ha u dacwoon).

0
200
Reysulwasaaraha Denmark: Lars Løkke Rasmussen

Sida ay maanta qoreen qaar badan oo katirsan warbaahinta dalka Denmark, dowlada dalkaas ayaa qorsheyneyso inay soo bandhigto qorshe cusub ay qoxootiga dalkaas kunool loogu soo bandhigayo inay lacag cadaan ah qaataan, si ay u joojiyaan dacwada ay u dacwoonayaan xubnaha qoysaskooda(dib u midowga qoysaska).

Arintan ayay dowladu rabtaa inay ku qanciso xisbiga xagjirka midigta fog ee DF oo taageero siiya dowlada.

Denmark ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay qaadatay qoxooti dhowr kun gaaraya, kuwaas oo xaq u leh inay xubnaha qoyskooda u dacwoodaan si ay ula midoobaan. Xisbiga DF ayaa raba inuu arintaas hor istaago, balse waxaa Denmark qabanaya sharciyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo qoxootigaba. Kuwaas oo qofka xaq u siinayo inuu la noolaado xubnaha qoyskiisa, aana loo diidi karin.

Sidaas darteed ayay dowlada dalkaas rabtaa inay hesho xal kale oo arintaas lagu joojiyo, waxeyna qorsheynaa inay lacag usoo bandhigto qofkii qoxooti ah ee joojiya dacwada qoyskiisa.

150.000 qaado oo dalkaagii ku noqo:

Dowlada dalka Denmark ayaa sidoo kale wado dadaal ay ugu jirto inay dadka qoxootiga ah ee wadankaa kunool ay si iskood ah ugu noqdaan dalkoodii. Denmark ayaa horey u balanqaaday in qofkii qoxooti ah ee dalkiisa ku noqdo, isla markaana aan heysan lacag ka badan 50.000 oo lacagtaas dalkaas ah uu heli doono 134.000 Kroner.

Dowlada dalkaas ayaa mar kale sheegtay inay diyaar u tahay in lacagtaas laga dhigo 150.000 oo lacagta Denmark, hadii ay qoxootiga dalkaas kunool wadankoodii iskood ugu noqonayaan.

Arintan ayaa tusaale cad oo muuqdo u ah dadaal naf la caariga ah ee xukuumada Denmark ay ugu jirto inay dhinto tirada soo galootiga dalkaas kunool, ayna yareyso kuwo imaan lahaa.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments