Ap: Listhaug ma taqaan qaabka ay shaqadeeda u qaban laheyd

0
182
Photo: Ze'ev Yanai

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa maalmo kahor baarlamaanka Norway u dirtay 26 su´aalood oo ay ku codsaneyso inay ku cadeeyaan qaabka uu baarlamaanku rabo inay dowladu u dhaqangaliso qodobka ku saabsan in jaanis cusub la siiyo caruurta soo galootiga ah ee magangalyada kumeel gaarka ah la siiyay.

Listhaug ayaa sheegtay in go´aanka baarlamaanka ee qodobkaas ku saabsan uu ahaa mid aan cadeyn ama uu fahankiisu adagyahay, waxeyna codsatay in la faah-faahiyo.

Baarlamaanka ayaa isbuucyo kahor ansixiyay in jaanis cusub la siiyo caruurta reer Afgaanistaan ee magangalyada kumeel gaarka ka heysta dalkan Norway.

Rigmor Aasrud oo katirsan xisbiga shaqaalaha ayaa dhankeeda sheegtay in wax aan dhici jirin ay tahay in wasiirad xukuumad katirsan ay baarlamaanka weydiiso qaabka ay shaqadeeda u qaban laheyd. Waxeyna VG u sheegtay in shaqada wasiirku ay tahay inay fasirto ayna dhaqan galiso go´aanada baarlamaanka.

Xisbiga Ap oo ahaa xisbigii sida deg-dega ah ku meelmariyay xeerkan ayaa sheegay in Listhaug ay qodobkan fasirto, isla markaana ay dhaqan galiso.

Xigasho/kilde: VG.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments