Abdiwahaab Said: Hadii aad qabto dhibaatooyin xaga sharciga ah, waxaad la xiriiri kartaa hey’addahan aan dowliga aheyn.

0
160

Waxaa jiro dhibaatooyin badan oo soomaalida dalkan Norway, gaar ahaan dadka wali wadanka ku cusub ka heysta xaga sharciyada. Iyada oo siyaasada soo galootiga Norway uu isbadal weyn ku yimid dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

Abdiwahaab Mohamed Said waa khabiir soomaali ah oo mudo 12 sano ah u shaqeynayay hey’adda NOAS, waxa uu hada u yahay talo-bixiye ama rådgiver xaga qoxootiga ah. Waxaan weydiinay su’ aalo ku saabsan goobaha ay la xiriiri karaan dadka dhibaatooyinka ay kasoo wajahaan xaga sharciyada.(hoos ka daawo barnaamij muuqaal ah)

Sadexdan hey’addood midkood la xiriir:

Abdiwahaab ayaa qaba in wadada ugu fiican ee qofka ay soo wajahdo xaalad xaga sharciga ay tahay inuu qabsado ama la xiriiro qareen. Qareenka ayaa noqon kara mid uu qofku xaq u leeyahay oo ay dowladu lacagtiisa bixineyso ama mid uu qofka lacagta jeebkiisa kala baxayo.

Waxaa sidoo kale jiro hey’addo aan dowli aheyn oo ka shaqeeya ama u dooda xuquuqda qoxootiga, kuwaas oo qofka ka caawin kara kiiskiisa, ama tilmaami kara. Hey’adahaas waxey intooda badan khibrad u leeyihiin khibrad durugsan u leeyihiin xaaladaha qoxootiga, waxeyna isku dayaan inay qofka aadiyaan wadada saxda ah ee kiiskiisa uu wax uga qaban karo.

NOAS(Norsk Organisasjon for Asylsøkere): Hadii kiiskaagu uu yahay mid ku saabsan xaalad qoxooti, nooca ay rabto markaas ha noqotee, waxaad la xiriiri kartaa hey’adda NOAS oo ah hey’adda u dooda xuquuqda qoxootiga Norway. NOAS waxaad kala xiriiri kartaa: 22365660 ama Noas@noas.org.

SEIF(Selvhjelp for innvandrere og flyktninger): Hadii kiiskaagu uu yahay mid khuseeyo arimaha la xiriira isku keenista qoysaska ama wixii la xiriira arintaas, waxaa iyagana kala xiriir kartaa hey’adda SEIF oo iyadna ah hey’add aan dowladi aheyn oo ka shaqeysa arimaha qoxootiga.  SEIF waxaad kala xiriiri kartaa 22034830 ama seif@seif.no.

Juss-buss: Waa ardeyda jaamacahada Norway ka barta sharciyada, waxeyna si praksis ahaan u caawiyaan dadka ay dhibaatada ka heysato dhanka sharciyada qaadashada dhalashada ama passportka Norway. Ardeyda jaamacaha ayaa waxaa  sidoo kale caawiya macalintooda jaamacaha u dhiga. Hadii kiiskaagu uu yahay mid la xiriira dhalasho ama passportka Norway, waxaad la xiriir kartaa Juss-buss : 22842900.

Xusuuso dhamaan hey’addahan oo dhan go’aan kama gaari karaan kiiskaaga, balse waxey kaa saacidi karaan inay hesho caawinta saxda ah ee arintaada caawin karto.

 

Halkan ka daawo barnaamij dheer oo uu Abdulwahaab arimahan kaga hadlayo.

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments