Turkiga oo caro darteed ula baxay ciidamo katirsan NATO oo tababar ku qaadanayay Norway

0
168

Dowlada Turkiga ayaa la baxay ciidamo Turki ah oo ku sugnaa dalkan Norway, qeybna ka ahaa ciidamada Nato. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ka baxeen dhoolatuska milatari oo ay gaashaan buurta NATO ku qabanayeen dalkan Norway, kadib markii goobaha tababarka ee lagu shiish barto la dhigay sawirka aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal Ataturk.

Xog-hayaha guud ee gaashaan buurta NATO, Jens Stoltenberg oo horey u ahaan jiray reysulwasaaraha Norway, ayaa «quudhsigaa» ka dhacay goobta tababarku ka socday raali gelin ka bixiyey. Waxa uuna sheegay in falkaa ay sameeyeen shakhsiyaad aan matalin Nato, isaga oo cadeeyay in Turkigu uu yahay «xubin muhiima oo ka tirsan NATO isla markaana door wax ku ool ah ka qaata nabadgelyada dalalka gaashaan buurta Nato ku bahoobay».

Arintan ayuu Erdogan ku sheegay khudbad uu u jeediyey madaxda laamaha xisbigiisa talada haya ee AK Party, waxaanu yidhi «waxay meel Norway ku taal oo lagu shiish baranayay sawirkii Mustafa Kemal Ataturk oo ay magacaygana ku qoreen». Waxa uuna sheegay inuu amray in si deg deg ah loo soo bixiyo askarta Turkida ah ee tababarkaas qeybta ka ahaa.

Stoltenberg ayaa sheegay in shaqsigii arintaas sameeyey  laga saaray goobta tababarku, uuna ku socdo oo baadhitaan ku saabsan sababta uu falkaas u sameeyay. Isaga oo raaciyay in qofkii ficilkaas guracan ku kacay uu ahaa askari hawlgab ah oo haatan rayid noqay oo aan ahayn shaqaale ka tirsan NATO.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhankiisa diiday inuu aqbalo raali galinta Norway iyo Nato. Waxa uuna sheegay in falkaas uu yahay mid aan loo dulqaadin karin, uuna yahay mid aan lagu xalin karin raali galin yar.

Xigasho/kilde: VG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments