Denmark: Nin soomaali ah oo habeen hore lagu dilay magaalada Copenhagen

0
218

Labo qof ayaa ku dhaawacmay, qof kalena wuu ku dhintay isxabadeyn habeen hore dhexmartay kooxo gangs ah oo ka dhisan magaalada København ee caasimada dalka Denmark.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen qaar kamid soomaalida degan København, ninka dhintay ayaa ahaa sodomeeyo sano jir soomaali ah, kaas oo hogaamiye ka ahaa mid kamid ah kooxaha gangs-ka ee isxabadeyntu ay dhexmartay. Wuxuuna sidoo kale ahaa aabe leh labo caruur ah iyo xaas. Waxaana la sheegay in maalmo uun kahor uu kasoo baxay xabsi, kahor inta aan habeen hore lagu dhaawacin isxadeynta, wuxuuna markii danbe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dagaal dhexmara kooxaha gangs-ka ah ee isku heysta maamulka xaafadaha ayaa ah mid bilihii ugu danbeeyay aad ugu soo xoogeysanayay dalka Denmark. Iyada oo dowlada dalkaas ay mar hore soo jeedisay in dhalashada dalka Denmark lagala noqdo, isla markaana la tarxiilo dadka  gala falal danbiyeedyada la xiriira kooxaha gangska.

Booliska ayaa hada ka cabsi qaba inuu sii xoogeysto dagaalka u dhaxeeyo kooxahan, iyaga ka cabsi qaba in kooxdo habeen hore qofka laga dilay ay weerar aarsi ah qaadaan.

Ku dhawaad boqol dumar soomaali ah ayaa shaley isugu soo baxay banaanbax lagu dalbanayo is talaabo adag laga qaado kooxaha gangska ah. Dumarkan ayaa waxaa kamid ah qaraabada ninka soomaaliga ah ee habeen hore lagu dilay xaafada Nørrebro ee magaalada København.

Xigasho/kilde: Politiken.dk, ABC-NYheter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments