(Asker)-Vg: Nin soomaali ah oo lagu soo oogay fal isku dey dil ah oo mindi loo adeegsaday

0
140

Aroornimadii shaley booliska magaalada Asker ayaa qabtay nin mindi ku dhaawacay nin shaqaale ka ahaa xarunta Fontehuset oo ah xarun lagu caawiyo dadka maskax ahaanta u xanuunsan.

Ninka minidada lagu dhaawacay ayaa shaqaale kumeel gaar ah(vikar) ka ahaa  Fontehuset, halka ninka dhaawaca geysteyna uu in mudo ah macaamiil ka ahaa xaruntaas, sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee budstikka.  Ninka la dhaawacay oo kontomeeyo jir ah ayaa loola cararay isbitaalka, halkaas oo markii danbe ay boolisku sheegeen in xaaladiisa ay kasoo roonaaneyso.

Sida uu qoray wargeyska VG, ninka weerarka geystay ayaa asal ahaan ah nin soomaali ah oo sodomeeyo jir ah. Ninkan ayaa dhowr mar mindi galiyay dhibanaha, Waxaana ay boolisku sheegeen in hada lagu oogay dacwad isku dey dil ah. Boolisku ilaa hada ma aysan sheegin faah-faahinta sababta ninkan ku kaliftay inuu weerarka geysto, waxeyna sheegeen inay wali wadaan baaritaanka dhacdadan.

Maanta oo jimce ah ayay boolisku eedeysanahan usoo bandhigeen in xabsiga si kumeel gaar ah loo dhigo, inta kiiskiisa laga soo baarayo. Waxaa sidoo kale soo baxayo warar sheegaya in ninkan uu ahaa qof xanuunsan jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Xigasho/kilde: VG.NO, Budstikka.no 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments