Ururka dhakhtaatiirta Norway oo caro ka muujiyay olole ay dowlada Norway ku cabsi galineysay soomaalida magangalyo doonka ah

0
122
Foto: Fiksmile

Ururka dhakhaatiirda dalkan Norway(Legeforeningen) ayaa caro ka muujiyay olole ay dowlada Norway ku bixisay lacag afar milyan ah, kaas oo la rabay in lagu cabsi galiyo soomaalida magangalyo doonka ah, si aysan Norway usoo aadin. Waxaana sawirada ololahan cabsi galinta ah kamid ahaa, sawir uu qof dhakhtar ah diidayo inuu daaweeyo qof magangalyo doon ah, kaas oo u baahan daaweyn, balse aan Norway sharci ku laheyn.

Ururka dhakhaatiirta Norway oo warqad u qoray wasaarada cadaalada, oo aheyd wasaarada maal-galisay mashruuca cabsi galinta, ayaa sheegay in sawirka laga bixinayo dhakhaatiirta Norway uu yahay mid aan sax aheyn, isla markaana kasoo horjeedo anshaxa, siyaasada iyo xeerarka guud ee caalimga ah ee dhakhaatiirta u dagsan. Waxeyna nasiib daro ku tilmaameen in wasaarada dowlada kamid ay ka qeyb qaadato sawir xumeynta dhakhaatiirta Norway.

Marit Hermansen oo ah madaxweynaha ururka dhakhaatiirta Norway ayaa sheegtay inay wasaarada cadaalada ka sugayaan jawaab ku saabsan arintaas. Marit ayaa sheegtay in xeerarka u dagsan dhakhaatiirta Norway iyo kuwa caalamkaba inay tahay in la daaweeyo qof walba oo markaas u baahan caawin caafimaad, iyada oo aan loo fiirin meesha uu kasoo jeedo.

Wasaarada cadaalada: Ma aanan hubin qorshaha aan lacagta ku bixinay!

Wasaarada cadaalada oo aheyd wasaarada lacagta afarta milyan ah ku bixisay qorshahan, ayaa sheegtay in ujeedada mashruucaas uu ahaa in dadka lagu wargaliyo halista safarka Yurub, isla markaana ay la kaashadeen ururka IOM. Waxeyna raaciyeen in sameynta, dajinta iyo fulinta howshan ay lahaayeen ururka IOM, aysana wasaaradu wax saameyn ah ku laheyn qaabka howshaas loo qabtay.

Waxaa sidoo kale howsha fulinteeda lahaa shaqaale soomaali ah oo katirsan hey´ada IOM, qeybteeda magaalada Nairobi.

Wasaarada cadaalada ayaa sidoo kale sheegtay inay heleen warqada ka timid ururka dhakhaatiirta, balse aysan wali fursad u helin inay ka jawaabaan.

Inkasta oo ururka dhakhaatiirtu ay warqad cabasho u gudbiyeen wasaarada cadaalada, hadana waxaa xaqiiqo ah inay adagtahay in qofku uu lagu daaweeyo isbitaalada Norway ee caadiga, hadii uusan qofku sharci ku laheyn Norway.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no, Dagbladet.no Dagensmedisin.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments