UDI-da oo bilowday inay magangalyo kumeel gaar ah siiso dadka ay kala maqneyd jawaabta degenaanshaha.

0
112
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Hey´ada socdaalka iyo jinsidaha dalkan Norway ee UDI-da ayaa bilowday inay sharci magangalyo kumeel gaar ah siiso dadka ay waqtiga badan kala maqneyd jawaabta codsiga degenaanshaha rasmiga. Sharcigan kumeelgaarka ah ayaa ah mid qofka magangalyada loo cusbooneysiiyay mudo hal sano ah, iyada oo loo sheegayo in kiiskoodii codsiga degenaanshaha aan wali laga shaqeyn.

UDI-da ayaa jawaabaha codsiyada degenaanshaha rasmiga ah kala maqan boqolaal qof oo soomaali ah, kuwaas oo qaarkood oo jawaab sugayaa labo sano iyo ka badan. Waxaana ay arintaas timid kadib markii wasaarada cadaalada Norway ay UDI-da ku amartay inay dib u qiimeyaan magangalyada 1600 oo soomaali ah,  kuwaas oo dalkan

Waxaa NorSom News isbuucyadii ugu danbeeyay lasoo xiriiray toboneeyo qof oo soomaali ah, kuwaas oo helay magangalyada kumeel gaarka ah. Qaar kamid ah jawaabaha ay NorSom aragtay ayaa waxaa ku xusan in qofka lagala noqon karo magangalyada halka sano ee kumeel gaarka ah, hadii uu galo wax fal danbiyeed ah. Sidoo kale waxaa lagu wargaliyay inay booliska lasoo xiriiraan, hadii ay damcaan inay ka guuraan deegaanka ay hada deganyihiin.

Dadka nala soo xiriiray ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad asxaabtooda ah oo iyagana helay magangalyo hal sano oo kumeel gaar ah. Taas oo muujin karto in tirada dadka helay kumeelgaarka halka sano ah ay badnaan karaan.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ayaa labo bilood kahor UDI-da ka codsatay inay dardar galiyaan ka shaqeynta kiisaska dadka ay kala maqanyihiin jawaabaha codsiga magangalyada. Waxeyna ku amartay inay kiisaskaas ahmiyada koowaad siiyaan.

Inkasta oo aysan cadeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa cusbooneysiinta halka sano ah oo UDI-du bilowday, hadana waxaa loo arki karaa inay kaga jawaabayaa amarka wasiirada soo galootiga.

Waxaa aad usoo badanayay cabashada ka imaaneyso dadka ay UDI-da kala maqantahay jawaabaha, maadaama ay dhibaato kala kulmeen waxyaabo badan oo noloshooda ah saamyn kuleh. Sida in dadka qaarkood laga codsaday inay keenaan warqad cadeyn ah oo sheegeysa inay dalka sharci ku joogaan, hadii ay rabaan inay shaqooyin rasmi ah helaan. Dadka qaar ayaa sidoo kale dhibaatooyin kala kulmayay xafiisyada hey´adaha Norway, sida NAV, iskuulada, xarumaha xanaanada iyo jaamacadaha.

From sugitaan to sugitaan kale:

Cusbooneysiintan halka sano ah ayaa waxyaabo badan u fududeyn karta boqolaalka qof ee UDI-du ay kala maqneyd jawaabta, balse ma noqon karto xal rasmi ah oo noloshooda saameyn weyn ku yeelata. Qaarkood waxey jawaabaha sugayeen labo sano, iyada oo sanadkan cusub uu ka dhiganyahay sadex sano oo ah sugi karaan inay jawaab kama danbeys ah ka helaan cidsigooda degenaanshaha.

Inkasta oo tirokoob rasmi ah aan laga heynin tirada inta qof ee soomaalida ah, isla markaana jawaabta rasmiga ah ka heshay codsiga degenaanshaha, hadana waxaa muuqato in dadka ugu badan ee jawaabta helay, ay ugu danbeyn heleen degenaansho. Ilaa hada inta la ogyahay labo qof oo kali ah ayay UDI-du ku amartay inay wadanka isaga baxaan, kadib markii la qiimeeyay magangalyadooda.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments