Sweden: Siyaasigii soomaalida aflagaadeeyay oo maxkamad ay xukuntay

0
208
Jonas Serneholt: Siyaasiga soomaalida aflagaadeeyay.

Jonas Serneholt oo ah siyaasigii katirsanaa xisbiga Deegaanka MDG ee dalka Sweden, isla markaana aflagaadada u geystay qowmiyada soomaalida, ayaa maxkamad kutaalo dalka Sweden, waxey ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 16.000 SEK. Waxeyna maxkamadu ku heshay danbi lagu soo eedeeyay oo ah  inuu aflagaado naceyb ah u geystay qowmiyad.

Ninkan oo katirsanaa maamulka magaalada Järfälla ee xisbiga MDG ayaa qoraal uu bar Facebooga ah ku qoray, soomaalida ku tilmaamay inay yihiin burada cudurka Kansarka. Kadib markii ay dacwad soo gudbiyeen qaar kamid ah soomaalida ku dhaqan dalka Sweden, wuxuu ninkan iska casilay jagadii uu ka hayay xisbiga, waxaana laga saaray golaha dhexe ee xisbiga oo uu katirsanaa.

Ninkan ayaa sheegay in hadalkiisa si qaldan loo qaatay, isla markaana uusan ujeedkiisu aheyd aflagaado ka dhan ah soomaalida. Balse maxkamada ayaa ka diiday sharaxaadiisa, waxaana lagu xukumay ganaax lagaceed oo dhan 16.000 SEK.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.se

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments