Maxay ku saabsaneyd doodii habeen hore ka baxday TV-ga NRK ee dhexmartay Sumaya Jirde iyo Listhaug

0
280
Foto: Skjermdump/NRK

Habeenkii jimcaha waxaa TV-ga qaranka Norway ee NRK ka baxay dood dhalisay muran iyo buuq badan. Mowduuca guud ee dooda waxa uu ahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha soo galootiga ah, marka ay sameeyaan wax ay waalidkood u arkaan ceeb ama wax dhaawac ku keeni kara sharafta qoyska ee mujtamaca. isla markaana ay waalidku iyaga oo arintaas ka taxadaraya ilaaliyaan gabadha, si aysan ceeb ugu keenin reerka.

Dooda waxaa ka qeybgalay dad ay kamid ahaayeen labo gabdhood oo soomaali ah oo kala Sumaya Jirde iyo Shukrika Hansen, waxaana sidoo kale qeyb wasiirada soo galootiga Norway Listhaug.

Doodu waxay socotay mudo saacad ah, waxaase aad loo hadalhayay daqiiqado dooda kamid ah oo dhexmaray wasiirada soo galootiga Norway iyo Sumaya Jirde. Jirde ayaa Listhaug ka codsatay inay dadka taageersan ku booriso inay joojiyaan naceybka, aflagaada iyo ceyda ay u geystaan dadka Listhaug fikir ahaan kasoo horjeedo.

Sumaya Jirde ayaa dooda ka hor sheegtay inay si maalinle ah ula kulanto caay iyo aflagaado ka dhan ah muslimiinta, ugana imaada taageerayaasha Listhaug. Waxeyna raaciyay in mararka qaarkoodna loogu yeero ereyo ay kamid yihiin «Ey wasakheysan iyo Baranbaro», iyada oo xiliyada qaarna loo sheego inay mudantahay in xijaabka laga tuuro, lana kufsado.

Jirde ayaa ku hoos nool ilaalada booliska ee joogtada ah(alarm), kadib markii dhowr mar oo hore ay la kulantay hanjabaado.

Gabadhan dhalinyarada soomaalida ah ayaa Listhaug ku eedeysay inay si siyaasadeysan u adeegsago qadiyada haweenka soo galootiga ah, ayna siyaasadeedu u gogol xaareyso naceyb ka dhan ah soo galootiga.

Listhaug oo iyadna ka jawaabeyso eedeynta Jirde ayaa sheegtay inay ku boorineyso dadka taageersan iyada inay ka dheeraadaan cayda, naceyba iyo aflagaadada ka dhan dadka fikir ahaan kasoo horjeedo. Waxeyna raacisay inaysan iyada masuul ka noqon karin, waxey ay geystaan ama dhanaan dadka iyada siyaasad ahaan taageersan.

Doodan oo dhameystiran waxaad ka daawan kartaa halkan. NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments