Ku dhawaad 4700 soomaali ah oo sanadkan gudahiisa magangalyo weydiisatay dalka Germany

0
119

Dalka Germany oo kamid ah wadamada sida aadka ay soomaalidu magangalyada u raadsaneysay sanadihii ugu danbeeyay, ayaa waxaa sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadka iska dhiibay 4655 soomaali. Waxeyna soomaalidu kujiraan kaalinta 9-aad ee dadka ugu badan ee dalka Germany magangalyada weydiisatay.

Germany ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay sanad walba magangalyo siinayayay ku dhawaad hal milyan oo qoxooti ah, waxaana ugu badan dadka kasoo qaxaya wadanka ay colaaduhu burburiyeen ee Siiriya.

Soomaalida ugu badan ee dalka Germany magangalyad weydiisatay ayaa ah dhalinyaro intooda badan aad da´doodu ka hooseyso da´da 25-ka.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments