Kooxo norwiiji ah oo caruurta ka caawiya inay Norway ka baxsadaan kahor inta aan la tarxiilin.

0
88
Listhuag

Waxaa dhawaan soo baxay warbixin ay si wadajir ah usoo saareen dhowr hey´adood oo arimaha qoxootiga ka shaqeeya, warbixintaas oo lagu sheegay inay Norway ka baxsadeen 443 dhalinyaro ah kamid ah 913 dhalinyaro ah oo la siiyay magangalyo kumeel gaar ah.

Wargeyska Dagbladet ayaa cadadkiisii maanta kusoo daabacay in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay gacan ka helaan kooxo norwiiji ah, kuwaas oo si qarsoodi ah internetka ugu wada xiriira. Kooxahan ayaa dhalinyaradan ka caawiya dhaqaale ahaan, niyad ahaan iyo waliba wadadii ay mari lahaayeen ama wadankii ay u baxsan lahaayeen.

Qeybo kamid dhalinyarada Norway ka baxsatay ayaa la sheegay inay sharciyo ka heleen wadamada Faransiiska, Talyaaniga, Holland, Germany ama Spain. Waxaana sidaas wargeyska Dagbladet u xaqiijiyay qaar kamid dadka Norwiijiga ah ee dhalinyaradaas u sahlay inay baxsadaan, markii danbe kusoo booqday wadamada ay magangalyada ka heleen.

Lishaug oo arintaas fal-celin xoogan ka muujisay:

Wasaarada cadaalada Norway ayaa sheegtay inay qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada arintan ay kooxahan sameeyeen, iyo inay keeni karto in kooxahaas loo ciqaabo caawin ay dhalinyaradan caawiyeen.

Wasiirada soo galootiga ayaa iyadna dhankeeda sheegtay inay arintan tahay wax aan loo qaadin karin.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, ABC-Nyheter

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments