Denmark oo sheegtay inay musaafurin doonto 634 qof oo ka been sheegay aqoonsigooda shaqsiyeed.

0
158
wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Hey´ada qaabilsan arimaha soo galootiga dalka Denmark ayaa soo bandhigtay natiijada baaritaan iyo dabadal waqti dheer qaatay, kaas oo ay ku hayeen 700 qof, kuwaas oo looga shakisnaa inay ka been sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, heleyna magangalyo aysan xaq u laheyn.

700 ee qof ee baaritaanka ay ku heysay hey´ada soo galootiga Denmark, ayaa sheegtay inay yihiin dad deegaan ahaan degan dalka Kuwait, isla markaana ah dad la dhibaateeyo oo aan laheyn wax dowlad ah(dowlad -laawayaal).

Laakiin hey´ada soo galootiga ayaa baaritaan kadib sheegtay in 634 oo dadkan kamid ah ay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Ciraaq, ayna ka been-sheegeen aqoonsigooda si ay magangalyo u helaan. Ku dhawaad 300 qof oo dadkan kamid ah ayay hey´adu sheegyay inay kasoo jeedaan hal qoys.

Arintan ayaa ah baaritaankii ugu weynaa abid ee lagu xaqiijiniyo aqoonsiga dadka magangalyada weydiistay Denmark oo ay sameyso hey´ada soo galootiga.

Wasiirada arimaha soo galootiga Denmark, haweeneyda lagu magacaabo Inger Støjberg ayaa amaan u jeedisay shaqada ay qabatay heyáda, waxeyna sheegtay inay aheyd mid loo baahnaa. Ayna tusineyso muhiimada ay leedahay in si dhab loo ogaado aqoonsiga ah shaqsiyeed ee dadka magangalyada ay Denmark siineyso.

Wasiiradan ayaa sidoo kale sheegtay in 634-ta qof ee lagu qabtay inay ka been sheegeen aqoonsigooda, laga bixin doono Denmark. Waxeyna ku adkeysatay inay dowladu dadaal u gali doonto sidii dadkaas aysan Denmark usii joogi laheyn.

Norway ayaa horey u sameysay talaabadan oo kale, waxaana muuqato in Denmark ay iyadna raacday wadadii Norway.

Xigasho/kilde: Jyslandposten.dk, DR.DK

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments