(Daawo): Waalidiinta soomaaliyeed ee ilmaha laga qaatay oo sameystay urur ay xuquuqda ilmaha ku raadinayaan

0
117

Dalkan Norway waxaa kunool waalidiin badan oo soomaali ah, kuwaas oo lagala wareegay xanaanada ilmahooda,  qaar badan oo kamid ahna  waxey kunoolyihiin xaalado adag. Inta badan waxaa dhacdo in caruurta soomaalida ah ee la qaato lagu wareejiyo qoysas cadaan ah, inkasta oo uu sharcigu dhigayo in la ilaaliyo dhaqanka iyo diinta ilmaha ay dowladu la wareegto xanaanadiisa. (Hoos ka daawo muuqaalka).

Nuur Xaaji oo ah madaxa ururka ay ku mideysanyihiin waalidiinta soomaalida ah ee ilmaha laga qaatay ayaa sheegay iney muhiim tahay in la helo cudud isku duuban, si arintan xal loogu helo, isla markaana loo ilaaliyo xuquuqda ilmaha soomaaliyeed ee ay dowladu la wareegto xanaanadiisa. Nuur ayaa soomaalida ka codsanayo inay ururka kusoo biiraan, isla markaana ay taageeraan si loo ilaaliyo xuquuqda ilmaha soomaaliyeed ee lala wareegay xanaanadooda, iyo in laga hortago in kiisas noocaas oo kale ah ay dhacaan.

Petter Clemetsen oo ah qareen katirsan shirkada Advokatene Cletemsen og Mohammad AS ayaa isna la qabo Nuur in aan si dhab looga taxadarin xuquuqda caruurta soo galootiga ah oo ay dowladu la wareegto xanaanadooda. Petter ayaa aaminsan in loo baahanyahay xoog adag, si hey´adaha dowlada loo dareensiiyo muhiimada ay arintan leedahay, Wuxuuna sheegay in shirkadiisu ay si bilaash ah ku caawin doonto dadka ay arintan lasoo gudboonaato, hadii ay lasoo xiriiraan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments