RadioMuqdisho: Muxuu ku saabsanaa safarkii Koofi ee Norway?

0
142
Foto: Radio-Muqdisho Maxamed Aaden Jimcaale "Koofi" iyo Frode Fong.

Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay dalkan Norway booqasho ku joogay, wafdi ka socdo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya. Safarkaas oo ahaa mid aan horey loo shaacin, balse ay warbaahinta NorSom News ka warheshay saacado kadib marka uu wafdigaas Norway kasoo dagay.

Su´aasha ugu badneyd ee soomaalida Norway ay labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay isweydiinayeen, ayaa aheyd waxa uu ku saabsanaa safarka wafdigaas iyo waliba kulanka ay la yeesheen hey´ada laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Norway ee UDI-da.

Radiomuqdisho: Tababar iyo aqoon-isweydaarsi.

Foto: Radio-Muqdisho

Idaacada ku hadasho afka dowlada Soomaaliya ee Radio-Muqdiso, ayaa maanta war ka qortay safarka wafdigaas ee Norway, iyaga oo sheegay inuu salka ku hayay arimo tababar, aqoon-isweydaarsi iyo aqoonsiga passportka soomaaliga ah.

Radio-muqdisho oo warkeedu uu badanaa yahay warka rasmiga ah ee afka dowlada, ayaa sheegtay in safarkaas uu qeyb ka yahay dadaalka loogu jiro aqoonsiga iyo xoojinta tayada passportka soomaaliga ah.

Sida ay idaacadu sheegtay, wafdigan ayaa booqasho ku tagay qeybo kamid ah xarunta laanta socdaalka iyo jinsiydaha Norway ee UDI-da, iyada oo sidoo kalena soo bandhigtay sawiro muujinayo kulanka Maxamed Aaden Jimcaale Koofi iyo Frode Forfang oo ah agaasimaha UDI-da Norway.

NorSom News: Wareysi waan bixinay. 

NorSom News ayaa isku dayday inay wareysi la yeelato agaasimaha laanta socdaalka Soomaaliya, intii uusan Norway ka bixin maanta, balse waxaa naloo sheegay inay wareysi siiyeen SNTV-Norway. Sidaas darteed aysan diyaar u aheyn inay wareysi kale bixiyaan.

Shaqada UDI-da iyo kulanka wafdigaas:

Inkasta oo warka rasmiga ah(offisielt) ee kasoo baxay idaacada afka dowlada ku hadasho ee Radio-Muqdisho, uu yahay in safarkaas uu ku saabsanaa aqoon-isweydaarsi iyo tababar, hadana waxaa wali jiro su´aalo la iska weydiin karo socdaalka Wafdigaas ee Norway, gaar ahaan kulanka ay la yeesheen UDI-da.

[adsenseyu2]

Sida aan ognahay, UDI-du waxey gacanta ku heysaa kiisaska boqolaal qof oo soomaali ah, kuwaas oo codsaday sharciga degenaanshaha rasmiga ah ama codsiyada kale magangalyo ama dal kujooga. Sidoo kale waxaa kaamamka Norway kujiro dad lagu qiyaasay 500 oo soomaali ah, kuwaas oo diidmo ka helay sharciga magangalyada.

Shaqada ugu weyn ee UDI-da, waa ka shaqeynta kiisaska la xiriira codsiyada magangalyada iyo xal u helida dad laga shakisanyahay aqoonsigooda shaqsiyeed. Waxeyna hoos tagtaa wasaarada dastuurta iyo amniga oo uu wasiir ka yahay Per Willy Amundsen oo katirsan xisbiga FRP.

In kulankaas dhexmaray UDI-da iyo laanta socdaalka Soomaaliya, aan sinaba looga hadlin arimaha la xiriira codsiyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed, gaar ahaan dadka diidmada ka helay sharciga magangalyada, waxey u egtahay inay mid aan waaqici aheyn.

Wixii kusoo kordha arintaas ama aan warar kale ka helno, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Halkan ka akhri warka Radio-Muqdisho ee safarka wafdigaas ee Norway. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments