fredag, mars 29, 2024

Goormee maxkamad lasoo taagi doonaa 15-kii dilka u geystay A.H.N Yacquub-Yare iyo Tone Illebekk

Sida uu qorayo wargeyska lokalka ah ee Fædrelandsvennen ee magaalada Kristiansand, waxaa lagu wadaa in 19-ka bisha soo socoto ee Juni, maxkamad lasoo taago, 15-kii norwiijiga ahaa ee dilka u geystay A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk.

15-jirkan ayaa 5-tii bishii Desember ee sanadkii lasoo dhaafay dil u geystay Yacquub oo ay saaxiibo hore ahaayeen iyo Tone Ilebekk oo aheyd macalimad dhigta iskuulka xanaanada caruurta(Barnehage). Wuxuuna isku dar Yacquub iyo Tone ku dhuftay 60 mindiyood, sida ay sheegeen booliska.

15-jirkan ayaa hada ku xiran xabsiga dhalinyarada danbiyada waaweyn geysata ee Bjørgvin fengsel-Bergen.

Booliska ayaa sheegay inay soo dhameeyeen baaritaanka fal danbiyeedka dilka ah, balse aysan wali diyaarin dacwada ay kusoo oogi doonaan.

Xigasho/kilde: ABC-Nyheter, FVN.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x