lørdag, april 20, 2024

SSB:  60% Soomaalida degan Norway Waxay ku hadlaan Af-Norwiiji markii ay guryahooda joogaan

Toddobaadkan gudahiisa ayaa xurunta  dhexe ee tirakoobka iyo xog uruurinta Norway ee Statistisk sentral Byrå (SSB)  ay soo saartay daraasad cusub oo ku saabsan dadka ajnabiga ah ee ku hadla luuqda Norwajiyaanka  markii ay guryahooda joogaan. 

Warbaxintaan ayaa waxaa lagu soo qaatay ajaaniib wadamo kale duwan ka kala yimid. Waxaase arinta xiisa leh ay tahay in warbaxintu ay sheegtay in 60% Lixdan boqolkiiba Soomaalida degan Norway ay Norwegiyaan ku hadlaan markii ay guryahooda joogaan, xataa hadii ay muddo gaaban ay wadanka joogeen .

Ma kula tahay warbaxin lagu kalsoonaan karo?

Kjersti Stabell Wiggen oo ahayd madax mashruucan ayaa iyadoo ka jawaabaysa su’aashan sheegtay.

«Haa, ma jirto sabab aan ku rumaysan waayo, sababtoo ah inta badan waxaa ugu sababaya in Somaalidu ay luuqada Norwajiyaanka ku hadlaan markii ay guryahooda joogaan, ay sabab u tahay, carruurtooda oo ku hadlo Norwajiyaanka iyo sidoo kale in waalidiintu ay la socdaan xannaanooyinka, dugsiyada iyo hawlaha kale oo la xiriira ilmahooda xiliyada ay firaaqada yahiin.

Waxaa kale oo dhici karta in Soomaalidu ay si ka dhaqsiyo badan luuqada Norwajiyaanka ku bartaan marka tusaale ahaan la barbardhigo  Vietnameeska».

 Ajaanibta ka yimaado wadamada  Afghanistan iyo Eritrea ayaa sida warbaxintu sheegtay kaga jiro meelaha ugu hooseyso, iyagoo 41% iyo 42% boqolkiiba ay Norweyjiyaan ku hadlaan markii ay gurahooda joogaan.

Warbixintaan ayaa sidoo kale sheegtay in dhamaan 46% boqolkiiba soo galootiga ay luuqada Norweyjiga ku hadlaan, markii ay guryahooda joogaan. Taasoo muujinayso in isbadel weyn uu dhacay marka la barbardhigo waqtiyadii hore.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no minervanett.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x